martes, 6 de abril de 2010

Wan iyo Waraabe

Nooc: Saar
Tiriyay: Careys Ciise Kaarshe.


Tixdaan maanta wadaa, waa waydiin iyo warcelin;
Ayaan waayaha ka mid ah, Waraabe iyo Wan baa iswaydaarsaday su’aal,
Wankii baa yiri waryaa! adduunkii waasac'oo walaalowday Afrika,
Waswaaskii ima hayo'oo, wanaag baan kugu waddacay,
Warkuna waa kooban yahay, wadaynimo kaama rabo,
Wadanka anaa iska leh, aan kala waydaaranno'ee,
Waraaboow maalin wacan

Runtaa!
Waawgii kale waxaan lehaa
Haaheey!

Wuxuu yiri waa tahay'ee, nabsigii waayahan maqnaa
Inuu waaxdayda yimid, adi uun baa ii waramay
Wadaygay baad tahay'ee, aan waayay; iswahelino'ee
Wanyahow ha i gooyn wadnaha,

Runtaa!
Waawgii kale waxaan lehaa
Haaheey!

Wuxuu yiri waad tahay'ee, kolkaad waydoobsan tahay'ee
Ninkii kuu gala wanaag, abaal baa laga warshaa,
Waxyeelo baan kugu aqaan, wanaag baan kugu waddacay,
Warkuna waa kooban yahay, wadaynimo kaama rabo,
Wadanka anaa iska leh, aan kala waydaaranno'ee,
Waraaboow maalin wacan

Runtaa!
Waawgii kale waxaan lehaa
Haaheey!

Wuxuu yiri waa tahay'ee, adduunyada waayo ma leh
Wanaag loogama irkado, ninna kama buuxsho weelkan, maantana waa wareer
Wadaygay baad tahay'ee, aan waayay; iswahelino'ee
Wanyahow ha i gooyn wadnaha

Runtaa!
Waawgii kale waxaan lehaa
Haaheey!

Wuxuu yiri waad tahay'ee, wuxuushnimadii ka baxay'ee
Wasiiro baan leeyahay'ee, wafdigaa iimara arlada, wareerkaad sheegadtana,
War iyo waayo uma lihi, wanaag baan kugu waddacay,
Warkuna waa kooban yahay, wadaynimo kaama rabo,
Wadanka anaa iska leh, aan kala waydaaranno'ee,
Waraaboow maalin wacan

Runtaa!
Waawgii kale waxaan lehaa
Haaheey!

Wuxuu yiri waa tahay'ee, ma wiil iyo waalidkiiba
Ayaa kala weecan kara, axdigu waa wayn yahay'ee
Ma labadii wacad dhigadta'oo, wallaahi isugu mara, iswaydaarsadta xumaan!
Wadaygay baad tahay'ee, aan waayay; iswahelino'ee,
Wanyahow ha i gooyn wadnaha

Runtaa!
Waawgii kale waxaan lehaa
Haaheey!

Kan Keenaan (K'naan), Halkan riix: http://www.youtube.com/watch?v=QHjgcE4YYsQ&feature=related
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...