miércoles, 19 de mayo de 2010

Khaan-l-khaliil

خان الخليلي
Qoraa: Najiib Maxfuud (نجيب محفوظ)
Sheeko: Dheer (Cuntubka koowaad kaliya)
Dal: Masar
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid

Waa qaadadtay saacadda ee labada galabnimo nuskeeda hore ee maalin seteembar sannadka 1941, saacadda tagitaanka diiwaangaliyayaasha, kolka ay kaga soo fataahaan kooxo shaqaaleed iridaha wasaaradaha sida daad xawli daran, wada dhacsaalsiiyayna gaajada iyo khaatiga, dabadeedba waxaa ay ku fidaan arliga, dabagalo shucaaca gubi og ee qoraxda. Waa la soo dhaqaaqay Axmad Caakif – shuqul ahaan waa shaqaale dowladdeed – shaqaalayaasha kale. Waana ahayd caadadiisu inuu qaadto waddadiisa, saacaddan oo kale maalin walba, ee Alsakaakiini, maantase jihadiisu waa is baddashaa oo noqodtaa Al-Azhar markii ugu horeeya. Wuxuu dhacay isbaddalkan kadib daganaan dheer ee Alsakaakiini, soo jiidadtay sannado jiitimo balaaran, qaadadtayna dhamaan cimri ee tobanaan sano, kaydsadtayna wixii ay ka damacday xusuusta caruurnimada, dhalinyarnimada, iyo gabownimada. Waxa ugu yaabsan waa uma dhaxeeynin ku fikridda guuritaanka iyo dhiciddiisa ma ahee maalmo tirsan, waa ay ku ahaayayn xasilooni gurigoodii ee qadiinka, waxaa ku mala’abaarma in aysan firaaqeeyn doonin waligooda, mana noqonin ma ahee fiid ama hiirtiisa ilaa ay qayliyayn hunguriyadu: «balo qaadadtay xaafadatan shiddada miiran», waxaa dulyimid walwalkii iyo dhibsashadii, mana jirin faa’iido lagu rajeeysto dib uga fikirka nafta argagixisan, haddiiba guriga qadiinka noqdo xusuusta shalay tagtay, haddiiba kan cusub ee khaan-al-khaliil ahaado dhabyaalka maantay iyo barito, waa u xaqba Axmad Caakif inuu yiraahdo isagoo abyaman «la mahdiyay waa baddale aan baddalmin!». Wuxuu ninku ku ahaa arintan ee guuritaanka kadisan xayir. Wuxuu qalbigiisu u soo dhufsanayay agagaarka maxabbeed ee qadiinka, waana ku iltirayay tiiraanyo marwalba uu soo garwaaqsan jiray inuu ka tuuray xaafad gabowsan oo qoto dheer, ee waa uusan iloobin toodowga ee ka raysasho goorta uu gartay inuu ka fogaaday jahannamo uga digta halaaga bareeran, lagaba yaabo inuu ku raaxeeysto caawo kii koowaad ee jiif hubsan kadib ee habeenkii shaydaanka ahaa kaga gariiriyay wadnayaasha reer Qaahiro gargariir xoog daran. In u dhaxeeyso murugo iyo laabqaboojis, iyo, caloolxumo iyo baroordiiqnimo wuxuu ku bilaabay inuu ugu dabandeebo docda waddada sugid ee taraam geeyo fagaaraha Malika Fariida, tifqaamisayna fooddiisu dhidid, xaaladduna kama maqnaynin kajan jeelan, taas waa inuu abaarayo daah qaadid cusub, iyo aqbalid baddal: jiif cusub, muug cusub, jawi cusub iyo darisyo cusub, oo mindhaa buruudku waa isdooriyaa, nasiibkuna waa cusboonaadaa, mindhaana dareenka dansan baa iska jafa awaaraha ku dulgaboobay oo isku soo celiya nolasha iyo baraaruga mar kale. Kani waa jeel sahmineed, waana jeel biimeeyseed, waana jeel ee ka dabatagid rajada, bal waa jeel dahsooman ee sareeynta oo ka soo kora u guuriddiisa ee xaafadda cusub kahor xaafaddiisii qadiimeed, maqaan ahaan iyo aqoon ahaan. Ma noqonin inuu arkay hooyga cusub wali, oo waaba socday guuritaanku tan iyo salaaddii subaxnimo isagoo ku jiray shaqadiisa, waakanna iskugu beegaya hooyga sidii loogugu soo tilmaamay. Wuxuu ku dhaqaaqay inuu isku yiraahdo: waa hooy kusime ah waana in ay u dulqaadtaan muddada dagaalka kadibna waxaa imaanaya nafiska. Ma suurtoobay khayr uusan ka ahaynin kii ahaa? Mana ahayd xikmad in ay ku raagaan xaafaddii qadiimeed oo foodsaaran aragga iyo maqalka ee mawdka cabsida leh? Wuxuu bilaabay inuu ku dabandeebo docda waddada waayo waa u turi waayay hogashada in badan, sidii isagoo loo wada xalleefiyay xididmaskaxeedkiisa walwal ahaan, wuxuuna ku cabayay sigaar dagdagsiino muujinaysay hammigiisa, waxaana ka muuqday qaska dhaqdhaqaaqiisa, walwalka suuraddiisa iyo siloonka hab-labbiskiisa, nin gabow daalan, dhibayso neefsashadu, ka soo jeeddo dhaayihiisa fiiro maahsan kala dheeraadto isaga wixii ah hareerihiisa, wuxuu ku dhowaa dabayaaqadii afartanaadka, waa laga yaabaa in ay isaga u weeciyaan niyadxumada caadtadiisa iyo dherarka jooggiisa, iyo xorjabka labbiskiisa xagga toodowga dadwayneha, dhabtuna waa in jajabka targalkiisa, dherarka gacmaha jubbada gaarila’ curcurada, is-hayska dhididka iyo awaaraha ee hareeraha tarbuushkiisa, canyayuubka garbagalihiisa, calalka garabaatigiisa, bidaartiisa ugaxsan, iyo ciraha ku rooran jeegadiisa iyo dhafoorkiisa, ay kulligood kuwaa ku eedeeynayayn sii dheeraanta sanooyinkiisa. Waxaana intaa raacsan, wajigiisu waa xayeesi dheer midab qaaje, leh madax yar, dheer ugu janjeera in khafiifsan fooddiisa yariba giigsan. Waxaa soohdiya sunayaal toosan, khafiifsan, kala durugsan oo harsiiya indho buunbuuniya kala jiidnaantooda iyo giigsanaantooda, ee iyagu waa ku wada fidi dhawaadaan oogada wajigiisa ee xayeesiga. Ee haddii uu biciriirsaday si uu u diiradeeyo araggiisa ama u soohdiyo qaabilidda shucaaca qoraxda waxa ay u muuqdayn in ay wada xirmayn waxaana libray midabkoodii malabeed moolsanaa, waxaana isqabsaday baararkoodii oo u guduudoobay qarka jalladmiddoodii si khafiifba, waxaa iyaga u kala dhaxeeya san suuqan iyo af leh bushimo dhuuban iyo gar afeeysan. Waa cajiibba in lagu tirinayay maalin kuwa daryeela wanaagga heemaalkooda iyo haashaarkooda, waana u ekayd waagaasba suurad la aqbali karay, laakiinna ka quursashada iyo ku dhagnaanta iyo wixii ka soo saameeyay kadib cudurka ka dheegsashada indheergaradtada baa ka soo dhufsadayn daryeel walba ee laftiisa iyo labbiskiisa.

Wuxuu koray taraamka lambar «15» tusaysayna bushimihiisu muusood kajan soo faydayay ilko jaalleeyay cabitaanka sigaarka. Fagaaraha ee Malika Fariida-na waa ka qaadtay taraamka lambar «19». Wuxuu ku sameeyay qalad si maahsan, oo wuxuu iskaga tuuray u barasho-ahaan tikidkii gaarsiin lehaa Al-Azhar oo uu ka soo goostay taraamkii koowaad. Waxa ay ku noqodtay qasab goosasho tikid cusub, ugu qoslaya naftiisa si dharsan, waana xanuujisay ku dhagnaantiisa ee bixinta hadurka. Dhabtuna waa inuu caadeeystay muddo waqti fog ahaansho madax qoyseed, iyo ku raagid ilaa iyo hadda doobnimo, si kastaba uma uu kharashbixiyo si daranaanba walwal la’aan, oo ku dhagnaantiisu ma aha mid u xaddhaafsan ilaa iyo heerka ay ka dhuujiso gacmaha, laakiinna kama dhinto abadba xanuunku kolwalba ay noqodto hawaan kharashbixintu.

Wuxuu ku dhacay fagaaraha Al-azhar, wuxuuna isku beegay Khaan-l-khaliil, u soo dhoolocadeeysa toogadiisa cusub, oo wuxuu ugaga dhaxgudbay luuq ciriiri ah xaafaddii niyadda ugu jirtay, meesha uu in-agdhowba ka soo arkay saro cusub u fidsama dhinac kasta, kala qaybiya dhabeyaal iyo wadiiqooyin aan la tiri koobi karin, sidii iyagoo ahaa xarun askareed oo aragtidu ku lunto. Wuxuu ku arkay intii agagaarkiisaba makhaayado qaxweed camiran iyo dukaano kala duwan – in ka dhaxeeya dukaan Tacmiyyaddeed iyo dukaan siyaakhadeed iyo jowhareed – wuxuuna arkay xiisado dad ah aan kala go’in, in u dhaxeeya kuwo xiran duubab, tarbuushyo iyo koofiyado, waxaana dhagihiisa ku gurmay dhawaaqyo, salowyo iyo yeerid ku kaciya dareen daran xididmaskaxeedka u walbahaaran sida kiisa, oo waxaa qabsaday labolaabow, waana isku qasmayn dareemihiisu, ma uusan garanin dhan uu raaco, oo wuxuu ku soo dhowaaday waardiye nuubi ah ku fadhiyay kursi agyiil albaabada midkood, waana salaamay kadib ayuu waydiiyay dhahayo:

- Waa halkee dariiqa aada sarta lambar «7», fadlan?

Waa u joogsaday waardiyuhuna si edabsan oo ku yiri isagoo midaarayo:

- Malaha waxaad waydiisanaysaa abbaartameentada lambar 12 oo la dagay maantay?. Ma u jeeddaa wadiiqadan, u raac luuqa labaad ee midigtaada oo ku afshubma waddada Ibraahiim Baashaa, dabadeed ilaa iyo albaabka sadaxaad ee dhankaada bidix, halkaasna waxaad ka helaysaa sarta lambar «7».

Waa u mahdiyay una anbabaxay wadiiqada isagoo ku gunuunacayo «luuqa labaad ee midigta... waa yahay, waaba kani... waana kaa albaabkii sadaxaad ee bidixda, sarta lambar 7». Waa hakaday xoogaa si uu uga qaadto fiiro hareerihiisa. Wuxuu dariiqu ahaa dheer iyo ciriiryoon, ka taagan yihiin docyadiisu sakado afargeesle ah, isku xiraan inta u dhaxeeysa wadiiqooyin kala gooya dariiqa asaaska, waxaana ku heeman dhinacyada wadiiqooyinka iyo dariiqaba daasyo: ee mid waa saacadle, midna waa qoraale farshaxaneed, mid kalena shaahle, kan afraadna kadiifadle, kan shanaadna harqaanle, kan lixaadna iibiye ee siyaakhadda, kan todabaadna, kan sideedaadna.... i.w.m. Waxaana halkan iyo halkaa ku yaal makhaayado qaxweed ka sareeynin cabbirka middiiba midka daaska. Waxa ayna la-agjoogayn waardiyayaashu albaabada saraha wajiyo ee sidii qadiidka, cimaamado ee sidii caanaha, iyo dhaayo u riyoodsan sidii iyagoo suuxiyay nagaarka udgoon iyo qurubbo beeyadeed ku meeraystaan hawada, oo jawiguna ku huwan yahay shareer xalleefsan, xalliiban ee midab qaxwe, sidii xaafadda oo ku tiil meel aan iftiiminin qoraxdu, sidaana waa cirkeeda oo barbar-badani ka soo daboola balakoono isku xira inta u dhaxeeysa sakadaha. Waxa ayna fariistayn saanacyadu daasyada hortooda, ugu hayaan gafuurka farshaxankooda si samirsan oo dulyeelsan, kana soo curiyaan farshaxano ee laamaha kala duwan aayado qur’aaneed, oo xaafadda qotada dheer wali waa ku dhowrtaa gacanta aadane sumcaddeeda qadiinka ah ee tabta iyo curinta, waana horistaagtay nolal bulshadeedka cusub iyadoo kula abaarto boobsiiskeeda waalani xikmaddeeda xasilan, aaladdeeda qeexlaawahana farshaxankeeda sahlan, dhabyaalkeeda looshanna mala’abuurkeeda dhadhaban, ilayskeeda balbalsanna kaaheeda lulmeeysan. Wuxuu ku rogay wixii ku hareersanaa ishiisa isagoo irkigan, oo iswaydiiyay bal ma awoodaa inuu u barto xaafaddan cusub sida uu u garanayay xaafaddiisii hore?! Mana u suurtoobdaa inuu ka jarto jidkiisa maalin uun dhaxda lagamabaxaankan, isagoo ay wadayayn lugihiisu fikraddiisuna ku ahayd caaran wixii ammuuro ee dunidiisa?... Kadib wuxuu hore ugu tibyeeyay albaabka isagoo ku gunuunacayo «bismillaahi arraxmaani arraxiimi» wuxuuna koray xatabada ee ragaadyada maroorsan ilaa iyo reenka labaad meesha uu ka hor yimid abbaartameentada lambar 12. Waa ugu muusaabay foolkiisu arkidda lambarka sidii isagoo u bartay soo jirkiisa, isagana dajin jiray hammiga ee cidladiisa, wuxuu garaacay dawanka, ee waa furmay albaabku, waana u soo baxday hooyadiisa xatabada, ka soo muuqda afkeeda muusood soo dhaweeys ah. Waana u firaaqisay iyadoo qoslayso, oranaysana: «maad aragtay dunidan cajaa’ibka ah!», wuxuu u gudbay albaabka isagoo oranayo: «ahaaw mid barakeeysan abbaartameentayahay cusub!». Waana qosashay kana soo muujisma ilko jaalleeysan waayo sida wiilkeeda baa ay ugu jan qabtay cabidda sigaarka, waxa ayna ku tiri lahjad adag:

- Inta ugu badan ee aanu awoodnay maantay waa inaanu dhignay saabaan qolkaada iyo qolkeena... waa maalin lehayd dhacsaal dhab-ahaantii, waxaa jabtay lugta ee mid kursiyadii inta ay u hagarbixi kartay. Waxaana ka murxay dhigmadaxa ee sariirtaada meelo qaarkood...

Wuxuu isku arkay Axmad isagoo dhaxjoogo deegad yar, ka dhaxbuuxa suunooyinkii abxadaha iyo sanduuqyada, kursiyo iyo gurgur, iyadoo bartamaheeda la dhigay miiska cunada, waxaana ku dhoobnaa weelal iyo duudduub kaddiifadeed, waxa ayna lehayd labo ilin: docda midigeed ee ka soo galka, iyo ka soo horjeedkiisa. Wuxuuna u fiiriyay hareerihiisa si aamusan, hooyaduna waxaa ay bilaabtay dhihid:

- Ilaah baa og, maantaydan, ma aan dhadhaminin nasiinadii cuno dhan, oo dhurdaranaa hooyadii ee aan umulinin gabar ay u ciirsadto goorta xaajadu jirto, adiguna waxaad ku carartay wasaaraddaada, aabehaaguna waa isugu nabay shamraddiisa sidii caadigiisa, iimana garabgalin – allaha cafiyee – kolka uu i waydiiyay goor dhawayd waxa aan idiin diyaarshay ee cuno! Sidii isagoo waydiinayo saaxirto awooddo wax kasta! Laakiin waa nasiib wanaag in xaafaddeena cusub lagu tanaadiyay cunadeeda suuqeed, waxaanna u diray adeegtada in ay noo soo gaddo Tacmiyyad, aansalaato, iyo baadinjaan...

Oo waa ku calyooday maqlidda ee magaca Tacmiyyad waana ka soo muuqadtay mabsuudnimadu hilaaca indhihiisa, kadib buu waydiiyay hooyadiisa:

- Aabehayna ma bojiyay oo ma xasiloobay?

Waxa ayna ku muusaabtay haweenaydu muusood kalsami leh oo tusayay in gaaritaankeeda shan iyo kontanaadka uusan ka luminin kulli inta ay ka lehayd soo jiidasho dhadigeed, oo tiri:

- Waa bojiyay oo xasiloobay ilaah baana mahadda leh, waa dhici kartaa in ay fiiradiisu xaqiijiso. Laakiin abbaartameentadu waa yar tahay, qolalkuna waa yihiin ciriiryoon, waanuna ku dirqinay saabaanadii, oo «wixii u qoran dhicid waa dhacaan»...

Wuxuu ku dhaqaaqay inuu dhagta u bixiyo hooyadiisa oo baaraan ku sameeyo agagaarkiisa. Wuxuu arkay barxad dhaxe u fidsan xagga bidix ee imaadaha, xaggeeda midig waxaa ku yaal labo shamradood, ka soo horjeedkoodana jikadii iyo musqushii. Waxaa ayna farta ku fiiqday hooyadiisa shamradda ka soo horjeedda albaabka abbaartameentada, waxaa ayna ku tiri: «waa shamraddaada» labada shamradoodse ee barxadda dhaxe middeeda hore waxaa loo diyaarshay seexashada waalidkiisa, waxaa ay hooyadiisa uga sheegtay middii kale: «waxaan dhigaynaa saabaanka walaalkaa waanuna u dhaafaynaa xilkiisa». Wuxuu u gudbay shamradda aabihiis wuxuuna arkay sheekhii oo ku fadhiyo sariirtiisa kana muuqadto dhaayihiisa eegmo xasiloon oo caalqaadadtay. Waa ahaa Caakif Afnadii Axmad – sidii wiilkiisa – nin dheer oo wayd ah, leh gar cuursan oo cad, waxaa u saarnaa indhihiisa indhaggashi leh dhalo cumursan u yeelaysay aragtidiisa daciifsan bidhaan dagta, waxa uu ugu fiiqay wiilkiisa isha si digtoon oo shakisan oo u hinqaday ku jawaabid horaran ee haddii uu ugala hadli lehaa wiilku si kajan sababta ee u guuridda guriga cusub. Axmad waa salaamay oo ku yiri:

- Waa barako, aabow!

Wuxuuna sheekhu si dagan u yiri:

- Ilaah ha ku barakeeyo. Waxwalba ee waa xaggiisa!

Axmadna wuxuu ruxay madaxiisa oo yiri:

- Laakiin aad baanu u buunbuuninay cabsideena waana ay naga baydisay garta haboon. Ma yaadan arkaynin aabow wixii u dhaxeeya Alsakaakiini iyo Khaan-l-khaliil ayaa ah inta ugu badan in ay soo gaarto diyaaradda ku dulwareegaysa hawada?!

Wuxuuna odaygu si go’aaman u yiri:

- Xaafaddan waa maganta Xuseen, raalligii ilaahna waa dul yahay. Waana xaafaddii diinta, iyo masaajiddada, Jarmalkuna waa ka garaad sareeyaan in ay duqeeyaan qalbiga islaanka iyagoo ku baanaynaya kalgaceel muslimiinta!.

Waa muusaabay Axmad oo dhahay:

- Haddii loo duqeeyana si qaldan sidii loogu duqeeyay Alsakaakiini kol hore?!

Wuxuuna dhahay sheekhu kana gamaaray samirkii:

- Ha ku jikaarin runta, waxaan kula hanwayn ahay meeshan wanaag, hooyadaaduna waa ku tahay raalli, haddii uu jirayna daroori aan la garanaynin waa xamdi iyo shugri, adiguna waad leedahay daganaan iyo caloolsami, laakiin waxaad sheeganaysaa xikmad kharriban, waxaadna muumuujinaysaa shajaac beenlow ah. Is daji oo iska siib dharka, ee aynu qaadanno harimada!.

Waa muusaabay Axmad, oo dib ugu gurtay shamraddiisa isagoo isku oranaya: «waa iska daacad aabehay», wuxuuna shamradda kula raacay dhugasho leh baaraan, waxaana ka horyimid qol balaaran saabaankiisu hoos imaada baari nooleeya aanse lehaynin iskuduwanaansho, oo ay bidixdii taal sariirtu, midigtiina armaajadda dharka, ku xigsada buughaye ku tuunsadtay in-agdhowba buugaagtu. Waxaana ku yiil labo shubaakood oo wuxuu damcay inuu ku rido eegmo ciyoonsan middiiba, wuxuuna ku soo durkay tan midig waana furay, waxaa ayna dul eegaysay dariiqa uu ku yimid, wuxuuna karay inuu ka dhugsado astooyinka xaafadda halkiisa sare, wuxuuna arkay in sakaduhu lagu dhisay docaha ee fagaare toox wayn, waxaana ku yiil fagaaraha afargeesleed ay sakaduhu ku wareegsan yihiin dhismooyin afargeesleed yaryar ee daasyo ku soo dhaxlaablaabma wadiiqooyin ciriiryoon, waxaa ayna shubaakooyinka sakadaha iyo balakoonada horjeedka dul eegaan sagxadaha daasyada, waana qaadtaan sadkooda ee hawada iyo ilayska qoraxda, mana horjoogsado wax ka qariya saraha kale, wuxuu fiiriyuhu ee mid shubaakooyinkaas horjeedeed arkaa fagaare wayn afargeesleed ee saro uu ka soo eego kob uun ee docdooda, wuxuuna ku arkaa hoostiisa sagxado badan afargeesleed ee daasyada u dhaxeeya taxtax ee wadiiqooyin iyo dariiqyo, wuxuuna ka sii arkaa wixii intaa ka danbeeya minaaradda ee masaajidka Xuseen oo inteeda sare dheer uga barakeeysa wixii ah fagaageeda.

Waa ku nafis helay ninku aragtida baaxadda furan waayo waxa ugu cabsida badan ee uu aad uga cabsanayay waa inuu fiiriyo oo uusan arkin ma ahee darbi cufeeysan. Kadib wuxuu u jeestay xagga shubaakada kale oo ka soo horjeedda ilinka qolka waana furay oo arkay muug ka duwan, oo dabaadiga ee dariiq ciriiryoon gaarayo ilaa khaan-l-khaliili ee qadiinka baa xirnaayayn daasyadiisu sidaana waa ugugu ekaa mid la cidleeyay, geeska kalena ee dariiqa ayaa ah doc ee sar oo ka soo jeedaan khalfadaheedu iyo balakoonadeedu in-agdhow, kadibna waxaa u cadaadtay in labada jibaal ee labada sarood ay isugu xiran yihiin in ka badan kob iyo in fooqyadoodu isla foolsimani ay sidoo kale isla gaaraan balakoonadooda oo tani waxa ay ku dhalisay inuu ku fikiro in labada sarood yihiin hal sar leh labo baal. Darafkana bidix ee dariiqa ayaa ka bilaabma khaan-l-khaliili ee qadiinka, wuxuuna ninku ka soo arkay shubaakadiisa sagxado duugoobsan, dariishado burburi raba, iyo saqafyo go’yeed iyo alwaaxyeed huwinaya dariiqyada isku taxtaxan, wixii intaa ka danbeeyana waxaa baaxadda camira minaaradaha, qubbadaha, iyo jibaallada sare ee maasaajiddada iyo darbiyadooda, dhamaan soo wada bandhiga hal muuqaal ee jawiga ee Qaahirada “Mucizziya”-da. Waana kolkii ugu horeeya ee uu arkayay muuqaalkaas. Wuxuuna ka seeraariyay ka cararkiisa ee xaafadda cusub. Wuxuuna ku dhaqaaqay inuu isha ku sii daayo suuradaha siloon, kala fog, waana muuqaalo dhab ku ah in ay camakaakiyaan dhaayo aan u baranin ma ahee baal warqadeed, mana uusan u xilsaarin dhaayahaas mucjisooyinka deegaaneed ama raadeed, dar ee inuusan ka helin waqtiga kansho, oo ma aysan ku qaadanin inuu maqlo garaacidda albaabka iyo codkii hooyadiisa oo u wacayo, dhahayo:

- Tacmiyyaddii waa diyaar mudanyahow.

Waana xiray labada shubaakadood oo iska siibay jubbaddiisa, kadib wuxuu gashtay jalaabiibkiisa iyo koofiyaddiisa cimaamadeed, isagoo ku ducaysanayo: «ilaahayow kan ka dhig hooy barakeeysan», hase yeeshee waxaa – isla goortaas inta uusan firaaqeeynin qolka – ka soo gaaray sawd xabeebsan dariiqa oo u qaylinayo si xanaaqan: «ilaahay ha kharribo gurigaada hana gubo qalbigaada ina hebeloow...» ee sawd kale baa ugu jawaabay mid ka foolxun wixii uu ku caytamayay, sidaana waa uga warsiiyayn in labaduba isku caayaan sida caadada u ah dadyowga xaafadda, oo waa ka giirsaday ninku waana u habaaray si dhiidhisan, isagoo gunuunuc ku yiraahda: «ilaahay waan uga magan galaa wixii hoodadaro iyo saadaalxumaba!». Kadib waa iskaga tagay qolka...

domingo, 9 de mayo de 2010

Carfaaye

Maansoole: Barafasoor, Maxamuud Siyaad Togane
Dal: Kanada / Soomaaliya
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid


Nin aan naynaas lehayn waa ari aan geeso lehayn.
— Maahmaah Soomaaliyeed.
Carfaaye: «kan caraf macaan leh»

Soomaaliga ugu cayilan

dhaxjooga magaalada Muqdisho.

Magaalo aan lehayn carfiyeyaal.

Qof walba ayaa naynaastiisa yaqaana.

Layaabka kajanna ee macaaneeya runta,

ma jiro qof yaqaana magaciisa.

Waxaan hadda ugaga arkaa

isha maskaxdayda

isagoo dhaxjooga Waddada Dhaxe,

isagoo hoosjooga qoraxda shiilisa,

sii dhalaala,

maquurid gaara,

ku jira iskujooggiisa Kaakiga dhididka leh,

ka bayriya dhididka indhihiisa,

isku daya inuu hago dameero madax-adag,

geelal kirtan,

(gadaashooda ka soo juqjuqeeya xoolo jireyaal sabarla’)

xambaarsan caws iyo caano,

gaaridameeroole la barbarsan darawalo haad-haadqaba,

oo ku andacooda magaalada in ay leeyihiin qabiilkooda iyo dameeradooda,

arigooda

idahooda

lo’dooda

dhamaantood jidkooda ee kawaanka;

dawreyaal iska gooya jidka,

tuugsadeyaal curyaaman guurguurta,

(Caarocaarooley baa mid Maraykan ku naanaysay)

Fiat-yo ka biibiibsiiya iyo gaarixamuulo ee waagii Mussolini ku dhuuso qarxiya isdabajoog.

Qaskan dhaxdiisa baa ka jira

kal-kal

nafis

culays-bixid

baa ka soo baxa

naaso ruxruxma ee naag reer-miyi taxaddarmaran

ama nooc ee dabo buuran qaadqaadanta.

Dabadeed

Carfaaye wuu hakadaa

wuu ku iilaa madaxa

camakaag caabud leh

muusood buu la kaahaa

oo gamaa gamuun-gaab muhasheed.



ARFAYE

A man without a nickname is like a goat without horns.
— A Somali saying
Arfaye: the sweet-smelling one
Fattest Somali
In the city of Mogadishu
City without deodorants
Everybody knows his nickname
And the irony that sweetens the truth
Nobody knows his real name
I can see him now
In my mind’s eye
In the middle of Main Street
In the frying sun
Melting away
About to drown
In his sweaty khaki uniform
Flinging sweat away from his eyes
Trying to direct a traffic of stubborn donkeys
Skittish camels
(Impatient drivers poking their behinds)
Hauling grass and milk
Donkey-carts driver by heedless drivers
Who claim the city belongs to their clan and donkeys
Goats
Sheep
Cattle
All on their way to the slaughterhouse
Jay walkers
Paraplegic beggars scuttling on all fours
(An American nicknamed them spidermen)
Beeping Fiats and thunder-farting ancient Mussolini trucks without mufflers
Out of this medley
Sometimes
A relief
A release
Would appear
Quivering breasts of a careless bushwoman
Or some undulating steatopygous behind
Then
Arfaye would pause
Tilt his head
In worshipful wonder
Flash a smile
And throw darts of desire.

sábado, 1 de mayo de 2010

Deelley: yaa dabarka igu xiray?



Maansoole: Maxamad Aadan Dacar

Afartaasi waa dabbar:
Doolaalo-dheerida.
Duqsi uu wadkii galay,
Dabinkuu ku dhaci jiray.
Warkii doqan-magaradtada.

Dabuub kalena waa nabar.
Gal dad liqa, ul lagu dayay.



Maansoole: Muuse Cali «Faruur»
Gudcur dam ah habeen dumay
Dunida oonan iftiin jirin
Ninka dibad u soo baxay
Ma dareemin madawgii
Dad ma wuxuu rumeeystaa?
Doogta iyo milalka’iyo
Adiga oonan duugin godabtii
Daqar guudkii kii dhayay
Ma daaweeyay nabarkii?


Maansoole: Cabdullaahi Faarax Cali «Taano»

Hoos adiga oonan u daadagin
Haysku dayin daliisheeda
Dincad iyo adiga oonan jarin
Xanan daabku culus yahay
Dal baneeyay haba oranin:
Ha ku daalin waligaa!



Maansoole: Cali Cilmi «Afyare»
Mar haddii dube iyo waran,
Duunkayga lala dhacay,
Yaa dabarka igu xiray?

Maansoole: Cumar C. C. «Fakad»
Ma dagaanka nolasha’iyo
Daruurta hilaacda’iyo
Durdurka iyo xareedda’iyo
Doogga iyo barwaaqada
Dariiqii samaa baa
Intaad doc uga bayrtayn
Abaar doonaysaan?

 
Maansoole: Axmad Faarax Cali «Idaajaa»

Nin danyari ma shiday,
Dhuxushii daboolnayd?
Ayaa saaray dogabada,
Xaabada ku sii daray?

Waa maxay dabaysha’iyo,
Duufaanka yimid,
Danbaskii ka qaaday,
Dusha keenay dhamacdii?


Maansoole: Axmad Ismaaciil Diiriye «Qaasin»
Aar dawariyaa jira,
Mas dilaa jira,
Damac quur lehaa jira,
Boqar daalimaa jira,
Raggaa dila, ee ma ogtahay?
Ardo lagu didaa jira,
Daab iyo dabaa jira,
Xaal waa isdabajoog,
Wuuse dumi, ee ma ogtahay?


Maansoole: Ciise Muuse Shirwac

Haddii dhagax dixeed iyo,
Dahab laysu urursho oo,
Dabaq maara lagu shubo;
Daawashadaba aadmigu,
Isha mayay ku durayaan?

Mayay shiili daymadu?


Laga soo qaaday: Diiwaanka Maansadii Deelley; (1979 – 1980)
Nooca: Jiifto.

Sodade


Heesaa: Cesaria Evora
Dal: Kaabo Feerde (Cabo Verde)
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Yaa i tusa
Jidkaas dheer?
Yaa i tusa
Jidkaas dheer?
Jidkaas dheer
Aada são tomé

Busaylyahaw busaylyahaw
Busaylyahaw
Ee dagaankaygaas, são nicolau

Haddaad ii soo qortid
Waan kuu soo qorayaa
Haddaad i ilaawdid
Waan ku ilaawayaa
Ilaa iyo maalinta
Aad soo naqotid

Busaylyahaw buseelyahaw
Busaylyahaw
Ee dagaankaygaas, são nicolau

SODADE

Quem mostra' bo
Ess caminho longe?
Quem mostra' bo
Ess caminho longe?
Ess caminho
Pa são tomé

Sodade sodade
Sodade
Dess nha terra sao nicolau

Si bô 'screvê' me
'm ta 'screvê be
Si bô 'squecê me
'm ta 'squecê be
Até dia
Qui bô voltà

Sodade sodade
Sodade
Dess nha terra sao nicolau
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...