martes, 20 de julio de 2010

Anigu

Maansoole: Naazik Saadiq al-Malaa’ika
Dal: Ciraaq
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid







Habeenka baa waydiiya yaan ahay.
Waxaan ahay sirtiisa, walwasha, moolsan, madow
Waxaan ahay shibtiisa ismadkeeysa.
Aamusnaan baan ku qanciyay dhabyaalkayga
Shakina waan ku lifaaqay wadnahayga
Wajitubna waan la joogaa halkan,
Anoo dhaykakayo, intay i waydiiyaan qarniyadu
Anigu yaan ahaadaa?

Dabayshana baa waydiisa yaan ahay.
Waxaan ahay ruuxeeda xayiran, i diiday waqtigu.
Iyadoo kale, meelna kama aan jiro,
Joogti baanu la soconaa, dhamaadna ma jiro
Joogti baanu la marnaa, joogsina ma jiro;
Haddii aanu gaarnayna laabka
Aanuna la firaaqeeynay khaatimada shiddada
Haddiina ay tahayba baaxad maran!

Ayaankana baa waydiiya yaan ahay.
Isagoo kale amarti ah baan duubaa waayada
Una ogalaadaa mar kale fidnaan.
Waxaan kula abuuraa soojiidashada rajada raaxada leh
Tagtada fog
Aniga baana mar kale duuga
Si aan uga soo saarto shalayto cusub,
Baritodeeda tahay baraf.

Naftana baa waydiisa yaan ahay.
Iyadoo kale jahowareer ah baan ku indhohayaa gudcurka
Waxna ii fasaxa nabadda ma jiro.
Waan sii su’aalaa, jawaabtuna
Sii dahaara dhalanteed
Waxaanna la sii fikiraa way dhawdahay.
Haddiina aan gaaray way baaba’day,
Dantay oo libirtay.

Laga soo qaaday Diiwaanka «Firdhaadyo iyo Danbas»: 1948



أنا
الليلُ يسألُ من أنا
أنا سرُّهُ القلقُ العميقُ الأسودُ
أنا صمتُهُ المتمرِّدُ
قنّعتُ كنهي بالسكونْ
ولفقتُ قلبي بالظنونْ
وبقيتُ ساهمةً هنا
أرنو وتسألني القرونْ
أنا من أكون؟
والريحُ تسأل من أنا
أنا روحُها الحيران أنكرني الزمانْ
أنا مثلها في لا مكان
نبقى نسيرُ ولا انتهاءْ
نبقى نمرُّ ولا بقاءْ
فإذا بلغنا المُنْحَنى
خلناهُ خاتمةَ الشقاءْ
فإِذا فضاءْ
والدهرُ يسألُ من أنا
أنا مثلهُ جبّارةٌ أطوي عُصورْ
وأعودُ أمنحُها النشورْ
أنا أخلقُ الماضي البعيدْ
من فتنةِ الأمل الرغيدْ
وأعودُ أدفنُهُ أنا
لأصوغَ لي أمسًا جديدْ
غَدُهُ جليد
والذاتُ تسألُ من أنا
أنا مثلها حيرَى أحدّقُ في ظلام
لا شيءَ يمنحُني السلامْ
أبقى أسائلُ والجوابْ
سيظَل يحجُبُه سراب
وأظلّ أحسبُهُ دنا
فإذا وصلتُ إليه ذابْ
وخبا وغابْ
»من ديوان شظايا ورماد«
» نازك صادق الملائكة «
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...