domingo, 19 de diciembre de 2010

Gacalkayga-Runtaa Haysta Qalbigayga

Maansoole: Sir Philip Sidney (1554 – 1586)
Dal: Ingiriiska
Turjumay: Samatar Maxamad Siciid


Gacalkayga-runtaa haysta qalbigayga, anina kiisa,
Ee qur iswaydaarsi midba midka kale lays siiyay:
Gacalnimaan kiisa u hayaa, kaygana muu gafi karo;
Ma jirin gorgortamid waligeedaba ka fiican.
Qalbigiisa i dhaxyaalaa iskula haya aniga iyo asaga hal,
Qalbigayga asaga dhaxyaalaa malehiisa iyo dareenkiisa haga;
Wuu jacelyahay qalbigayga oo kiisuu ahaan jiray mar uun;
Kashaan ku hayaa kiisa waayo kayguu ka dalbadaa.
Qalbigiisa dhaawaciisuu ka qaabilay araggayga;
Qalbigaygaa lagu dhaawacay qalbigiisa dhaawacan;
Oo uu xaggayga ka soo gaaray wuu shidmay dhaawaciisa,
Waatuu wali, malehayga, igaga holacyeelay:
Labadaba dhaawac isle’eg, baddalkanaanu ka raadinay arwaaxeena,
Gacalkayga-runtaa haysta qalbigayga, anina kiisa.



My True-Love Hath My Heart

My true-love hath my heart, and I have his,
By just exchange one for the other given:
I hold his dear, and mine he cannot miss;
There never was a bargain better driven.
His heart in me keeps me and him in one,
My heart in him his thoughts and senses guides;
He loves my heart for once it was his own;
I cherish his because in me it bides.
His heart his wound receivèd from my sight;
My heart was wounded with his wounded heart;
For as from me on him his hurt did light,
So still, me thought, in me his hurt did smart:
Both equal hurt, in this change sought our bliss,
My true love hath my heart and I have his.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...