viernes, 1 de abril de 2011

Dhamaadka kadib: Dilkii «Khooli»

Ka: Diiwaanka Maansadii Deelley


Muqdisho 1993


Barqin baas bay ka horyimaadayn. Durbadiiba way aqoonsadayn. Sayn rasaas bay roob kaga dhigayn. Way ku dhugtamayn. Dhiiggiisii bay dhulka qaadsiiyayn. Waxba kama uu qabin. Waxba kama uu sidan. Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Isagu, talow, haddii ay u dagtaan ma dili lehaa? Xaashaa lillaah! Qalbi dhiig daadin karayba laabtiisa kuma jirin! Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Salabka, kiisa qarxa iyo kiisa la tunto, waligiis wax kuma yeelan... aqalkiis abadankiis ma uu dhigan... si loo adeegsadona, waan hubaayoo, muu aqoon. Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Siyaasad kuma uu jirin, darteedna cid kulama coloobin... jago dawladeed uma xusulduubin... qabashadeedna wax ma moodin... buug cusub oo uu aqriyo ayuu ka jaclaa nooca siyaasadeed ee ay Soomaalidu taqiin, walina ay taqaan... ka hadalka qabyaaladdu waqti kagama lumin... mid badanise wuxuu kaga lumay la socodka suugaanta iyo horumarka maansadeena. Sidaas oo ay ahaydna way dilayn!

***

Maxay u dilayn baa?
Bal adba! Bal maleey:
Waxba ha isku daalin,
Saa anaaba kuu sheegi doonee:

Sababta loo dilay ee aan kuu soo tebin doonaa waa run, ha yeeshee kuma qanci doontid, gaar ahaan haddii aad tahay qof da’ yar oo dalka Soomaalida dibadiisa ku koray ama wax ku bartay. Iyada oo kooban, reer hebelkii uu ahaa ayuun buu u godgalay! Qabiilkii uu u dhashay buu eersaday! Iyaga inuu noqdona, isagu ma dooranee, ogow!

***

Haddii kale, Janaayo 1991kii, maxaa loo dilay? Xamar iyo dagaaladii ka socday isaga oo ka soo qaxay, maxaa looga daboyimid oo burseeynta loogu furay? Ma askari buu ahaa? Ma xukuumaddii lala diraraayay ayuu wasiir u ahaa oo sidaas baa loogu ciilqabay? Ma wuxuu ahaa jabhadihii hubeeysnaa ee taliska dalka u tartamaayay? Dagaal gaar ah nin ku hayay oo xukuumaddii la safnaa? Intaba jawaabtu waa “maya!”: askari waligiis ma naqon. Xukuumaddii lala diraraayay iyo kuwii ka horeeyay, midna abadkiis sokeeye gaar ahaaneed uma naqon. Jabhaddihii hubeeysnaa ee qabiilqabiilka ku dhisnaa, middood intuu ku biiray mid kale kuma jeedin.

***

Intaas oo jawaaboodba haddii ay yahiin run biyo-kama-dhibcaan ah, maxaa, haddaba, loo dilay? Bal muxuu galabsaday? Mar kale aan ku noqdo, kuna sheego inuu u dhintay tolkii uu u dhashay aawadeed oo kaliya! Haddii uu hadal i maqashiin kari lehaa, isaga oo sidiisii qoslaaya ayuu igu oran lehaa: “Oo Axmadow, qofku reerka uu u dhalan doono, ma isagaa horey u doorta?!”

***

Maya, Ibraahinow, ha yeeshee aqoondaro si dhah! Taloxumadii aad u dhimadtayse, kaligaa kuguma koobnaan. Kumanyaal baa gadaashaa la dilay oo ganbi iyo gaajo aan gar ahayn loo gabwaray. Iyaguna, sidaada oo kale, waxay eersadayn tolkii ay u dhashayn! Samigaa Buuni Ibraahin Maxamuud Ebyan, qoraagii Faarax Maxamad Cawl iyo boqalaal kale oo aad ifka ka taqiin ayaa waqti yar ama iilka kaaga horeeyay ama aan in badan kaa danbayn. Waxay u dhintayn haybtooda ee, haba yaraadtee, wax ay galabsadayn lagama gooynayn!

***

Saaxiibow, iilkuba ha kugu yaraadee, ma kuu waramaa: maalintii aad godgashay ayay dawladnimodiina godgashay! Waxaa iishay wax alle wixii ay ku tiirsanayd oo idil! Madfac indhola’ baa la tagay magaaladii Xamar ee ugu waynayd taariikhda aynu, ummad ahaan, ku dhaadan karaynay. Dhismayaashii Shangaani iyo Xamarwayne ee kunka sanno jiray, dhulka ayaa lala simay!

***

“Ma arkinee, ma aragtay?” Waxaa maanta ah: jaamacaddii iyo wixii yiilay, akadeemiyaddii iyo wixii lagu kaydiyay, labadii matxaf ee dalkaba lagu arkay, warshadihii kaalmada dibadeed lagu helay, dugsiyadii iyo qalabkii ku urursanaa, dhamaantood, diiwanadii dawladihii hoose, meel dab maray ka soo qaad! Labo todabaad gudahood baa lagu leefay!

***

Ibraahinow, iilkuba ha kugu yaraadee, ma kuu sii waramaa: taalooyinkii awalba tirada yaraa ee halganka siyaasadeed ee ummadda xusuusta u ahaa lama hanbeeyn! Inta la soo fujiyay baa dhulka la soo dhigay, dabadeedna loo dhoofiyay Abuu-Dabi, si loo iibsado macdantii maarta ahayd ee hortii laga sameeyay!

***

Bal maleey taaladii Sayid Maxamad Cabdille Xasan markii la iibgeeyay inta ku baxday? Iyaga iyo ku allahoodee, raggii arintaas u warhayay waxay ii sheegayn kharashkii soodajinta iyo dhoofinta inay soo celin waayday kolkii la lacageeyay! Nimankii safriyay iyo kuwii u dhiibtay waxay ka helayn 30 kun oo doolar oo aan doolar dheerayn! Show ceeb looma dhinto! Anigu ma aragee, burburka ka dhacay qaybihii taariikhiga ahaa ee Xamar ninkii iiga soo waramay, iina soo koobay wuxuu igu yiri: “Haddaad Waliyowcade istaagto, xeebta Liido ayuun baa hagaag kuugu muuqan!”

***

Bilo yar gudahood, iyada oo kumanyaal qofi ay gardaro u dhimadtay, kumanyaal kalena ay dunida meel walba u qaxayn; iyada oo dalkiiba dagmodagmo u kala go’an yahay ee uu afar sanno la’yahay madax iyo cid loo irkado, waxaynu ku faanoba; iyada oo aynu ka xishoonayno inaynu Soomaali sheegano; iyada oo ay arimuhu caynkaas yahiin, miyay haboon tahay taalooyin iyo dhismayaal gaboobay in loo baroorto?

***

Haa, way haboon tahay, maxaa yeelay taalooyinka iyo dhismayaasha waxay u taagan yahiin taxanaha abuurmidda qarannimada, waxaana loogu talogalaa inay muddo dheer ka danbeeyaan facii dhisay. Waa qayb ka mid ah silsilada xiriirisa da’dii hore iyo kuwa danbe ee ka farcamay. Waa astaamaha aamusan ee wax badan kaaga sheegi kara tagtada ummadaha. Burburinta aan ujeedada lehayn ee astaamaha taariikhda Soomaalida waxaa, malehayga, eeddeeda xanbaari doona nimankii dhalinyarada reermiyiga ahaa inta soo hubeeyay magaalada dhan ee ku fasaxay ee, dilkii naflaha ay arkaan ka sokow, wixii qaran ahaan loo wada lehaa mushaarka uga dhigay! Haddii ummad walba sannadaha soo mara mid waliba ay wax ku xusuusadto, sannadihii 1991kii iyo 1992kii waxay Soomaalidu ku xusuusan doontaa labadii sanno ee uu sida xun u kala daadtay hanaankii qarannimo ee dalkeeda; kaas oo soo dhismaayay boqalkii sanno ee ugu danbeeysay. Haddii aanay labadaas sanno sidaas ku tilmaanayn, bal adigu ku tilmaan sida kale ee ku haboon!

***

Allaha u naxariistee, aan u noqdo Khooli. Ibraahin Cawad Maxamad oo ay saaxiibodu Khooli u yaqiinayn, iyada oo kooban, ma ahayn ummad qarannimo hiyiga ku haysaa nin ay iska disho! Wuxuu ahaa saaxiib gaar ah la jooggiisa ay aqoon dheeraad ahi ka korari jirtay. Aqoonyahan aan maalinna waxbarasho ka daalin ayuu ahaa. Wuxuu ahaa raggii lixdameeyehii qarnigan dhidibada u aasay warfidintii da’da yarayd ee, gobanimada kahor, ay shisheeyehu socod barayn. Waxqore dhalinyar ayuu ka ahaa wakaaladdii wararka ee SONNA loo yaqiin iyo todabaadlehii af Ingiriiska ku soo baxi jiray ee SONNA NEWS lagu magacaabi jiray, kuna hadli jiray afka Dawladda Soomaalida.

***

Muddo dheer wuxuu maareeye guud ka ahaa Wakaaladdii Filimada Soomaaliyeed, intii uu xilkaas hayay hawlihii uu fuliyay waxaa ugu waynaa filinkii loo baxiyay Darwiishkii Soomaaliyeed ee bartamihii sideedtanaadka la daawan jiray, haadtanse tacabka ba’ay dhaxda la galay! Isla muddadaas wuxuu Ibraahin asaasay Bandhigga Filimada Afrika ee Muqdisho (Mogpafis) ee wakaaladdiisu sannad walba ay Xamar ku kulmin jirtay agaasimeyaasha filimada sameeya ee qaaradda Afrika, si loogu tartamo, looguna kala faa’iideeysto.

***

Dhamaadkii sideedtanaadkii, wuxuu Ibraahin ku soo biiray Akadeemiyadii Cilmiga iyo Fanka, wuxuuna halkaas ka noqday gudoomiye ku xigayn aad ugu xoog furnaa hawlaha aqoonta iyo baahintood. Wuxuu ahaa ninkii abaabulay shirwaynehii 4d ee Ururka Cilmibaarista Soomaaliyeed ee afka qalaad loogu yeero (Somali Studies International Association), laguna qabtay Golehii Shacabka ee Xamar sannadkii 1989kii. Ugu danbeeyskii wuxuu Ibraahin ahaa, asiili aan dad badani ogayn, hal-abuur maanso oo waxkutirinta miisaanka Jiiftada uu aad ugu fududaa. Wuxuu soo saaray cajalado badan oo uu qaar kaligiis ku ahaa, qaar kalena ay saaxiibo isugu jawaabayn. Waxay tiisu u badnayd maanso bulshadeed uu dhaliilo ugu soo jeedinaayay hababka ay Soomaalidu u dhaqanto qaarkood, gaar ahaan intii uu dadka qaar reermagaaloobay.

***

Nolashaas aqoontu hu’geedu ahaa, nolashaas anshaxu iyo asluubtu astaanta u ahaayayn, nolashaas kartidu iyo dadaalku ku tilmaanayd, nolashaas gaabnayd, laakiin milgaha lehayd, waxay galbadtay oo kasgaab gacankudhiigle ah loogu dawgalay 26kii Janaayo 1991kii.

***

Sideed sanno ku-dhowaad markii aanu maansada diiwaankan Deelley ururinaynay ee aanu tifaftiraynay, dabadeedna wixii aanu helnay aanu isugu soo daboridnay sidaan uu kuu horyaalo ayuu, Allaha u naxariistee, goor galab ah Ibraahin wuxuu iigu yimid hoygaygii magaalada Xamar. Waxaanu istusnay, inta aan daabicid loo gudbin, in loo baahan yahay in lagu daro boghoraad ay ku qoran yahiin dhawr eray oo «Hibeeyn» loo bixiyo. Si toos ah ayuu su’aal iigu soo jeediyay, isaga oo leh: “Ayaynu diiwaankan Deelley u hibeeynaa ee aynu ku xusnaa?”. Aniga oo aan in badan ka fekirin ayaan u jawaabay: “Cabdullaahi Suldaan «Timocade» aanu u hibeeyno, marba haddii maansadan Deelley qabyaaladda iyo arimaha ku saabsan lagu falanqeeynaayo, isaguna uu ahaa gabayaa qabyaaladda aad ula diraray, ayna ka dhab ahayd, taana uu ku caanbaxay”. Wuxuu yiri: “Waa hagaagee, maynu balaarino oo boggaas «Hibeeynta» raggii Timocade la midka ahaa ku xusno, isla markaasna ugu baroorano dhamaan dadkii qabyaaladda awgeed loo dilay, una godgalay”.

***

Waa yaabee, ma garabdaar buu lehaa?! Hadalka ma iska yiri, mase si uun baa habka iilashadiis loogu sheegay? Dadka qabyaaladda eersaday ee Deelley loo hibeeyn doono, miyaa la ogeeysiiyay? Ma mooddaa galabtaas inuu si dadban iigu lehaa: “Axmadow, Deelley kolka la daabacaayo, ani ma joogee, yaa la i iloobin!!”.

***

Siduu afar sanno kahor ii soo jeediyay intaan yeelo, Deelley aan mar kale u hibeeyo, Soomaalida tirada beeshay ee reer hebelkii ay ahaayayn loo laayay, iyada oo uu Ibraahin Cawad moogan ku jiro! Eebe wayne ha u naxariisto. Aamiin!

Maayo, 1994kii

Axmad Faarax Cali «Idaajaa»


Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...