domingo, 22 de mayo de 2011

Isha Sacabka Mari

 
Heesaada: Qadro Daahir Cige
Miroha: C/qaadir Xirsi Siyaad “YamYam”
Laxanka: Axmad Saalax Qaasin


Dadkoo ururayoo
Isu tagay dhamaan
Ma ogaan karaan
Mooyee isaga.

Ayaa [way haa] uga warama?
Aramidu inay
eel dheer taqaan

Hadba waxaan arkaa
Anoo cidla’
Eri dhaban
Sidiisii kuu olalayee

Ubax baan sidaa
Kuula soo ordee
Maad iga aqbali

Eedaad kalgacal
Adaa igu unkee
Dhibtan mawga bixin!

Naftan, naftan
Naftan ku ogalee
Kuu abaajidee
Kuu abaydintaa
[hee hee hee]
Kugu indhola’
[haa haa haa]
Kugu indhola’
Usha maad u qaban?

Ifafaale iyo saad
Aragti dheer
Sida awliyaan
Kuu odarisayaa

Ayaa [way haa] ilo biyo leh
Ku agmeeroo
Oonku uga ba’ayn?

Garta odayadaa
La i soo hordhigaa
Arin yo aqoon
Afti kaa baxshee

Yay ku dhicin ilmadu
Dhir abaarsadtee
Isha sacabka mari
Eedaad kalgacal
Adaa igu unkee
Dhibtan mawga bixin!

Naftan, naftan
Naftan ku ogalee
Kuu abaajidee
Kuu abaydintaa
[hee hee hee]
Kugu indhola’
[haa haa haa]
Kugu indhola’
Usha maad u qaban?
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...