domingo, 18 de septiembre de 2011

Ka Kacaay!


Nooc: Heelo
Ka: Buugga “Heeloy” Modern Poetry and Songs of Somali; 1996. (John William Johnson).





Haruub nin sidto’oo, hashiisa irmaan,

Ha maalin la leeyahay baan ahay.

Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay!


Dagaal nimuu ku haysto meel halis’oo,

Hubkiisu hangool yahay baan ahay.

Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay!


Wixii ku haboon nin haybsanayo’oo,

Bahdii ka horjoogto baan ahay.

Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay!


Habaas nin dhaxjiifto’oo, ku hafto’oo,

Hayaanka ka soo haray baan ahay.

Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay!


Nimuu hadalkiisa harqoodaalka’iyo,

Haweenkaba dhaafin baan ahay.

Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay!


Hobyo’iyo Harar’iyo Hawaasta Galbeed,

Hadmay isu hiilin doonaan.

Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay! Ka kacaay!



English translation: "Wake up! Arise!"


I am a man, who carries a milk vessel,

and who is forbidden to milk his own she-camel.

Wake up! Arise! Wake up! Arise!


I am a man, who is in battle in a dangerous place,

and whose [only] weapon is Hangool*.

Wake up! Arise! Wake up! Arise!


I am a man, who is considering what is best for himself,

and whose [own] brothers reject him.

Wake up! Arise! Wake up! Arise!


I am a man, who sleeps in the middle of dust,

which is drowning him.

And who stayed behind [his companions] on a journey,

and became lost.

Wake up! Arise! Wake up! Arise!


I am a man, whose speech goes no further than

to women and to the shade of [his own] house.

Wake up! Arise! Wake up! Arise!


When shall [the people] of Hobyo, Harar, and west of Hawaas

assist each other [in their struggle for independence]?

Wake up! Arise! Wake up! Arise!


*A stick about a yard long with a two teethed, forked end and a hooked end. It is used for uprooting (with the forked end) thorn bushes and carrying them (with the hooked end) to a place where a fence or a corral is to be constructed. The Hangool is common wedding present to a man.

viernes, 9 de septiembre de 2011

Meelo Sheekoxariir

Maansoole: Chirikuré Chirikuré
Dalka: Simbaabwe
Af: ChiShona
Tarjumay: Samatar Maxamad Siciid


Waji walbaa la kulmay
Isla su'aashii
Ee meelihii aan soo jiray

Kaliya qalbigaa ka jawaaba
Afku waa daciif, laakiin
Waxa qalbiga ku jiraa buuxsha bakaarta

Wajiyo riyoodsan, aamindaran,
Ayay ku waydiiyaan su'aalo yaaban
Ayagoo waydiiya jeer kale meeshaan qabtay

Dagdagaan kula jawaabaa:
Waxaan soo jiray gayiga gabikayeerada aamusan,
Carada ee gabawda Timbuktu.

Madaxyadooday u ruxaan sidii dibiyo
Ayagoo ugu qoslaya jeesjees intay cabayaan:
Meelahaas oo kale waa kaliya sheekoxariir

Madaxaygaan hoos u dhigaa
Anigoo ku sabriya qalbigayga erayo qaboojiya:
Barakada qalbiga tayda waaye.    




Nzvimbo dzemumabhuku
wese andaita mahwekwe naye
mubvunzo ndiwo mumwe chete:
kwakadini kwamanga mapota?

mhinduro ndiopa yepasi pemoyo:
kutaura zvese handingakwanisi,
zvakapinda mumusoro zvinozadza dura

vose vanozoita kunge vapatika kyuhope,
vobvunza zvakare, uso vakasunga:
gara zviya ndepiko kwawaiva?

Handinonoki kudzora mhinduro:
ndaiveko kunyika yemutsindo,
kumatuhnhu emuzinda we Timbouctou.

vese vanokapaza misoro semabhuru,
vopfipfidza vachinwa rukweza rwavo:
nzvimbo dzakadaro ndezdzemumabhuku chete.

ndinotsikisira wangu musoro pasi,
ndozvipodza hana nemashoko mumoyo:
ndakakomorerwa ndakazvionera pamhino sefodya.

 

jueves, 1 de septiembre de 2011

Waxaan Aamusnaaday

Heesaada: Binti Cumar Gacal Calasaw




"Alle!, i baday jacaylka ee inaan kugu dul ooyaa"



Waxaan aamusnaaday'oo [u luggo'ay ?] daraaddiis
Afka gacanta saaray'oo, jacayl iga adkaa'ee

Nabadarada afkooda'iyo arimadiisii
Oogada ku faafaan la adkeeysan waayay'ee

Ifka kaan ka doortay'oo ibtiladan i hayso'iyo
Eedaadka caashaqa adigaa igu beeray'ee

Markaad aragtay uun baa, inaan kuu ildaran ahay,
Waxaan uurka ka jirin i soo abaaray'ee

Haddaad dadab banaan'iyo igu dhaaftay oomane
I dishay'ee asaaggaa dadka kaagaad ugu jaceshahay

Adduunyada dusheeda istareex ku noolow!
Aniguna ayaankay!

***

Haddaad moodday Aakhiro inay ahalo leedahay
laysuma aqoonsado aabe iyo adeerkaa

Ku aamini maayaan aabe iyo adeerkaa
Adigoo arkaayana arxan kuuma galayaan

Adduunkaynu joognana ruuxii ku aaminay
Haddaan loo abaal gudin
Aakhiro aboor cunay ka ilaalin maysid'ee

Waxaan ahay asaaggaa dadka kaa ishaartay'oo
Erayadaan ku leeyahay hoos u eegi waayday'ee
Haddii iilka lay dhigo, sidii roon Rabbow eeg

Haddaad dadab banaan 'iyo igu dhaaftay oomane
I dishay'ee asaaggaa ddaka kaagaad ugu jaceshahay

Adduunyada dusheedana istareex ku noolow!
Aniguna ayaankay!

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...