viernes, 18 de noviembre de 2011

Xusuus


Maansoole: Martín Veiga
Dal: Beesha Gaaliisiya (Isbaanya)
Turjumay: Samantar Maxamad Siciid

Waxaa gudaha ku qarsan kansiga, hadiyad
qobtolan u taal kan suga, dhido caaradsan,
waqtigu sidii wabi aanan la jeexi karin,
surada cawseed saaran tukeyaashu, jiqda kastaanyeed,
baluudyada, farogodanada, killaalada qayreed
soo xirxira dheesha sooyaalka
ee shinida.
Kullina waa cagsaarid
siigo engagan ee tagtada
meesha fadaqyadu ku dhaafaan raadyo khafiifan,
sawiro waxkasooqaad lehaynin oo gacan sii tirtirto
- sida kuwa aan ku sameeyn jiray markaan ahaa cunug
budada shiideha ku soo duldaadatay kabiska
ay kula baaba’i jirayn bushimo afuufid, aslant-ahaanba.
Cadad ficil had iyo jeer dhamaadla’an,
kala firaran, ka yimaada xagga garwaaqsiga,
googo’yo ee tagtada:
geedsaarada u rogma guduud dayrta,
dharka cad waran, dabayshu ruxda,
codad haaraamiya, juqjuqeeyn khafiifan.
Xusuusta waa khasaanad jajab-og
ka buuxa iniino, qusur xanuun leh
loogu dhaxgalo hamuunqab, faroduubid.
Dhaxjoogid.

*Kastaanyo / Baluud (بلوط) : Nooc ka mid ah geedaha miraha adag.
*Farogodan (Digitalis): Nooc ka mid ah dhirgaabta ubaxa dhaliya.


MEMORIA

No interior ocúltase o tesouro, hermética
entrega para quen agarda, áspero ourizo,
o tempo como un río que non se pode vadear,
os corvos no colmazo, a mesta broza no souto,
landras, dedaleiras, as celas das entenas
encerrando a danza antiga
das abellas.
E todo é como pisar
sobre a seca poeira do pasado
onde as pegadas tracexan rastros tenues,
insignificantes debuxos que unha man vai borrando
- como aqueles que facía cando neno
na foula caída nas laxes do muíño
desaparecían soprados por uns labios, quedamente.
Fragmentos dunha acción sempre incondusa,
dispersa, chegada a través do recordo,
retallos do pasado:
as enradadeiras tornándose vermellas en outono,
a roupa branca no tendal, aventada,
voces admonitorias, punicóns leves.

A memoria é unha arca quebradiza
ateigada de sementes, dolorosa fondura
na que penetrar con avidez, cerrar os dedos.

Permanecer.

miércoles, 9 de noviembre de 2011

Hawraarta Afkayna

Uunsiga Afka Uunka: Soomaali.


Hadalkaan ujeedo’iyo
Himilo toosan lehayn’iyo
Hadaaq waa ku dilaa.

Hawraari waa murtidayna
Haddana waa gabaygayna
Ama heesta ciyaarta
Ama hawsha middeeda.

Heelo’iyo buraanbur
Hooriskeeda’iyo jiibka
Hingaadda’iyo luuqda
Haasaawehii’iyo amaanta
Hanjabaadda’iyo faanka
Halxiraale’iyo sheeko.

Waa hiraab iyo toosin
Waa afkii hidehayna
Amase hooyo’iyo aabe
Hantidii ummaddayna
Habistii ubadkayna.

Waa hogaan dhaqameedka
Marna aan la hurayn,
Lagu soo hiranayo.

 
The speech of our language
Utterance without weight
Spoken with no emphasis
And all frivolous speech
Is the death of our language

Our speech is our heritage
The most intricate poetry
A song to make us dance
And a song to help us work

It's Heelo and Buraanbur,
It's chorus and refrain
Syllables and music
Conversation and veneration
Threats and boasts
Riddles and tales

Dreams and awakening
Our speech is our heritage
Spoken by our ancestors
It's the wealth of our people
Our children's treasure-house

It's the lodestone of our culture
Utterly indispensible
The means of seeking assistance.


Gabayaaga: Jaamac Kadiye Cilmi
W.T.: Maxamad Xasan “alto” iyo Sarah Maguire
Ka: Poetry Translation Centre (Xarunta Tarjumaadda Maansada).

martes, 1 de noviembre de 2011

Sii Gudabka Sannadaha

Maansoole: Hanny Michaelis
Dal: Hollaan
Tarjumay: Samatar Maxamad Siciid


Jacayl iyo Farax

Sii gudabka sannadaha
waa in waxyaalo tirobadan layska xooro.
Fikradda, ka soo qaad,
in faraxsanaantu leedahay khafiif iyo waar,
sidii wax la mid cimilo koonfureed
halkay ka naqodto biriq
reebta haar
oo hiyiga la gashto.


Met de jaren
moet er veel worden weggegooid.
De gedachte bijvoorbeeld
dat geluk mild is en duurzaam
iets als een zuidelijk klimaat
in plaats van een blikseminslag
die levenslang gekoesterde
littekens achterlaat.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...