lunes, 2 de enero de 2012

Baxnaanismarka labo isqaba



Qoraaga: Italo Calvino
Dalka: Itaaliya
Sheekada: gaaban (1958kii),
ee mid naqodtay sheekooyinka “Gli amori difficili – Jacaylada dhibka leh – (1970kii)”
Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid




Shaqaaleha Arturo Massolari wuxuu qaban jiray kaltankiisii shaqada habeenkii, kan dhamaada lixda aroortii. Si uu ugu hoydaa guriga wuxuu lehaa jid dheer ah uu kula qaadan jiray baaskiil xiliga cimilada wanaagsan, ama taraam bilaha roobabawga iyo qabawga ah. Wuxuu iman jiray indhaxaadka todabadii rubuca la’ iyo todabadii gawda ah, kalkal inyar kahor, kalal kale kadib inyar goortay yeertay saacadda toosisada leh ee Elide, afadiisii.

Aalaa labada sharqani: yeerka toosisada iyo talaabooyinka soo galitaankiisa, ayaa iskula dultagi jiray maanka Elide iyagoo gaarsiinayay hurdada yoolkayda, hurdada isku duuban ee aroortii ay iskugu dayi jirtay inay ka sii miiradto xoogaa ilbiriqsi ah foolkuna ugu duugan barkinta. Deeto ayay uga soo kaci jirtay dhaqso sariirta ooba waxay gacmahii kula gashanaysay si indhoolenimo ah dulkagashigaydii gurikujoogga, timahuna ugu duldhacan indhahaydii. Elide saasay Arturo ugu soo gali jirtay jikada halkuu kalkaas weelalka maran ka soo baxinayay boorsaduu u qaadan jiray shaqada: cunoqaadkii iyo tarmuuskii, wuxuuna dhaxdhigi jiray alaabkudhaqa. Horay ayuuba u shiday birjikada oo qahwahii saaray. Isla goortuu fiiriyayba, Elide waxay marin jirtay gacan timaha oo isku dhibi jirtay inay indhaha furto, sidii iyadoo kal kastaba ka sii xishoon jirtay xoogaa suuradda hore ee uu saygu ka haystay goortuu ku soo hoyan jiray guriga, iyadoo had iyo jeer isku qasan, foolkayduna barhurdaysan. Goortay labo soo wada seexdayn waa arin kale, labaduba subaxdii way isla soo wada kacaan, labaduba waa wada sin.

Baddal-ahaanba kalkal isaa ahaa kan soo gali jiray jiifka si uu kula soo baraarujshaa koob qahwe, daqiiqo kahor intaynin toosisada yeerin; deeto waxkasta wuu ahaa dabiici, wajikaduudka ee soo tooskayda wuxuu yeelan jiray wahsi macaan, gacamahaydii muluqan oo kor u soo fidsami jiray ayaa ku soo duubmi jiray qoortiisa. Way is-habsiin jirayn. Arturo wuxuu gashanaa koorka madaroorsheha; goortay agtayda ka dareemi jirtayba way iska ogayd jawiga cimilada: hadduu soo dhacayay roob, dhado ama baraf, hadba suu qoyaan ama qabaw u ahaa. Laakiinba waxay dhahi jirtay: See jawigu yahay? –, isana wuxuu say caadadiisu ahayd nus-kajan kula bilaabi jiray gunuunaco, isoo soo kormarayay dhibaha yaryar ee soo qabsaday, kana soo bilaabayay dhamaadka: ku imaatinka baaskiilkii, say cimiladu ahayd ka soo baxiddiisii warshadda, mid ka duwan tan jirtay galiddiisii ee habeenkii hore, shaqada calaacaladaydii, kutiri-kutaynka ka sacoday waaxdiisa, iyo waxyaalo saasba. 

Aminkaas gurigu had iyo jeer waa kulaal yaraa, laakiin Elide muluq ayay iska wada siin jirtay iyadoo xoogaa qarqaraysay, waxayna isku dhaqi jirtay mad-harka yar. Dabadeed isaa soo gali jiray, si aad u dagan ayuu iskaga siibi jiray dharka oo wuu isdhaqi jiray isna, tartiib tartiibba, wuxuu iska dulqaadi jiray boorkii iyo dufankii warshadda. Iyagoo saas ugu wada jiray qubaalka, barkawdu muluqan, qabaw xoogaa la kakan, jug uun isa siinayayn, gacanba gacan iskugu dhiibayayn saabuuntii, boomaatadii cadayga, iskana sii wadtayn waxii ay ahayd inay isdhahaan, waxaa la gaari jiray aminka isku soo dhawaanta, kalal kalena, mindhaa, intay isu sii rugayayn dhabarka, waxay isla dareemi jirayn maraaciyid oo hab isla siin jirayn.

Laakiin si dagdagba ah Elide ayaa la soo yeeri jirtay: – Alle! Meeqa saacba waaye? –, waxayna u roori jirtay inay u gashadto si dhaqsiinyo badan ah kaalso-kastuumada, goonada, iyadoo shanladii buraashka hore iyo dib u marinaysay timaha, horayna wajigii ugu durkinaysay muraayadda koomada, biinankii timahana ugu jiray bushimahii. Arturo wuxuu soo joogsan jiray gadaashayda, sigaar ayuu shidan jiray, iyana oo taagan ayuu daawan jiray, dhuuqayay sigaarkiisa, jeer kastana wuxuu u ekaa qof yare qalo ah ee uu halkaas waxba ka qaban karin. Elide goortay ahayd diyaar, waxay gashan jirtay koorka suran marindhaxaadka, way isa shumin jirayn, iradda ayay furi jirtay, wuxuuba maqli jiray iyadoo ka sii daadagaysay jaranjarada.

Arturo wuxuu naqon jiray kali. Wuxuu sharqantii taakooyinka Elide kula raaci jiray dhagta ilaa xatabada hoose, goortuuna maqli waayay, wuxuu kula raaci jiray maanka: kadlaynta ka dhax xiimaysay dayrka, iradda hore wayn, marshabeediga, joogsiga taraamka. Taraamka, baddal-ahaanse, si fiican ah wuu u maqli jiray: qiiqlayntiisa, joogsashadiisa, iyo jugta cagsaarka rakaabkiisa kal kastuu qof ka korayay. “Waa taa, way kortay”, ayuu la fikiray, wuxuuna arki jiray afadiisii oo ku dhaxduuban nimanka iyo naagaha ee shaqaalayaasha saaran “kaw iyo tobanka” oo gayn jiray warshaddii sida maalin kastaba. Wuxuu damin jiray gumadkii oo soo xiri jiray dariishaddii, waxay naqon jirtay mugdi oo gali jiray sariirtii.

Sariirta waxay ahayd say uga tagi jirtay Elide goortii kacitaankayda, laakiin docdii, tii Arturo, waxay ahayd ku-dhawaadba mid hufan, sidii iyadoo haddayto la habeeyay. Isaga wuxuu ku jiifan jiray docdiisa, say u ahaydba, laakiin kadib wuxuu u fidin jiray lug docdii kale, meeshuu afadiisii kulkaydu ku haray, deeto wuxuu fidin jiray lugtii kale, saasuuna tartiib tartiib isugu balaarin jiray docdii Elide, goonida kulka diiran ee lehaa wali qaabkii jirkayda, wuxuuna foolka ku duugi jiray barkintaydii, barafuunkaydii, oo seexan jiray.

Intaynin soo naqonin Elide, fiidkii, Arturo wuxuu lehaa waqti uu ku soo kormeeri jiray qolalka: birjikada ayuu shidi jiray oo saari jiray wax uu karshaa. Hawlaha qaarkawda isaa qaban jiray, saacadaha ka horeeyay cashada, sida habaynta sariirta, xaaqidda xoogaa, xataa radinta dharka si loo dhaqaa. Elide waxay u wada arki jirtay hawl si xun ah loo qabtay, laakiin haddii la sheego runta muunanin saari jirin dadaal wayn: wuxuu samayn jiray waxay ahayd dhaqmaad uun uu ku sugi jiray iyada, ku-dhawaadba sidii isoo kula kulmayay imaatinkayda darbiyada guriga gudahiisa, intay halkaas banaanka nalalkii sii shidmayayn iyana soo sii maraysay dukaanadii ee dhaxda jawiga ka baxsan waqtiga ee xaafadaha meeshay naago badani ka soo qabsan jirayn wax gadashadawdii habeenkii.

Kamadanbayskii talaabooyinkaydii jaranjarada ayuu maqli jiray, ka wada duwan kuwa subaxdii, ee culus hadda, waayo Elide waxay la soo kori jirtay daalkii hawsha shaqada iyo culayskii iibka. Arturo wuxuu kula kulmi jiray dagaddabaqeedka jaranjarada oo ka qaadi jiray gacantayda danbiisha, waxay gali jirayn iyagoo hadlayay. Elide waxay isku tuuri jirtay kursi yiil jikada, iyadoo iska qaadin koorka, intuu isaga ka soo baxinayay alaabta danbiisha. Dabadeed: – Haye!, aynu isa toosino – ayay dhahi jirtay, way kaci jirtay, kabboodka ayay iska siibi jirtay, waxay gashan jirtay gurikujooggaydii. Waxay bilaabi jirayn diyaarinta cunada: cashadii labadawda, deeto halaqjaflahii nasiinada ee kawda hiraabtii uu u qaadan lehaa warshadda, qadadii khafiifan ay u qaadan lehayd warshadda maalinta xigtay, iyo casariyehii u diyaar ahaan lehaa goortuu soo toosi lehaa casarkii.

Elide kis way mashquulnayd, kis waxay ku fadhiday kursiga cawda ah, waxayna u sheegaysay waxii uu qaban lehaa. Isaga, baddal-ahaanse, saacaddii ayay ahayd ee uu nastay, ma joogsanaynin, wuxuu rabay qabashada wax kasta, laakiin had iyo jeer isoo xoogaa maahsan, madaxuna meel kale ka jiray. Kalalka aminadaas qaarkawda waxay u dhawaayayn is hardin, erayo foolxun is dhaafsasho, waayo Elide waxay ka jacalaan lehayd inuu u dhugyeesho waxii uu qabanayay, inuu is hagarbaxiyo, ama inuu kula dhagdhago kalgacayl badan, inuu u sii dhawaado, inuu sabaalsiiyo in badan. Baddal-ahaanse Arturo, kadib xamaasaddiisii hore ee imaatinkayda, madaxiisu banaanka ayuu ka yiil guriga isoo ay ku jirtay isdajdajin waayo wuxuu ahaa inuu shaqo u baxo.

Miiskii oo diyaarsan, wax walba oo dhigan meeshii gacani ka gaari kartay si aananin loo kacin, waxaa iman jiray aminkii wadneqabadka ee inay ka haystayn waqti iska yar wadajirka, ku-dhawaadna maynanin la heli jirin qaadada afkii ee mahasho ay u qabayn inay isla joogaan oo gacmaha isku duubaan.

Laakiin wali intuunanin ka maransiinin qahwahii oo dhan, baaskiilkii ayuuba agjoogi jiray si uu u fiiriyo in wax kasta habaysnaa. Way is habsiin jirayn. Arturo deeto uun ayuu u ekaa inuu soo dhacsaday siday nugul iyo diiran u ahayd afadiisu. Laakiin wuxuu sii saaranayay baaskiilka garbaha oo kaga sii dagayay si taxaddaran jaranjarada.

Elide maacuuntii ayay dhaqi jirtay, kor iyo hoos waxay ka fiirfiirin jirtay guriga iyo waxyaalahuu ka qabtay saygaydii, iyadoo madaxa ruxaysay. Haddayto wuxuu dhaxroorayay dhabayaasha gudcursan, cabaarta ee nalalka dhifka ah, mindhaa wuu dhaafay kaalinkii shidaalka. Elide waxay gali jirtay sariirtii iyadoo daminaysay nalka. Docdaydii iyadoo jiiftay, waxay u fidin jirtay lug xagga docdii saygayda darta ka raadinta kulkiisa, laakiin kal kasta waxay ka sii dareemaysay docday jiifan jirtay inay ka sii diiranayd, tilmaan inuu xataa Arturo ku jiifan jiray halkaas, waxaana iyada ku abuurmi jiray kalnugayl.



L’avventura di due sposi


L’operaio Arturo Massolari faceva il turno della notte, quello che finisce alle sei. Per rincasare aveva un lungo tragitto, che compiva in bicicletta nella bella stagione, in tram nei mesi piovosi e invernali. Arrivava a casa tra le sei e tre quarti e le sette, cioè alle volte un po’ prima alle volte un po’ dopo che suonasse la sveglia della moglie, Elide.

Spesso i due rumori: il suono della sveglia e il passo di lui che entrava si sovrapponevano nella mente di Elide, raggiungendola in fondo al sonno, il sonno compatto della mattina presto che lei cercava di spremere ancora per qualche secondo col viso affondato nel guanciale. Poi si tirava su dal letto di strappo e già infilava le braccia alla cieca nella vestaglia, coi capelli sugli occhi. Gli appariva così, in cucina, dove Arturo stava tirando fuori i recipienti vuoti dalla borsa che si portava con sé sul lavoro: il portavivande, il termos, e li posava sull’acquaio. Aveva già acceso il fornello e aveva messo su il caffè. Appena lui la guardava, a Elide veniva da passarsi una mano sui capelli, da spalancare a forza gli occhi, come se ogni volta si vergognasse un po’ di questa prima immagine che il marito aveva di lei entrando in casa, sempre così in disordine, con la faccia mezz’addormentata. Quando due hanno dormito insieme è un’altra cosa, ci si ritrova al mattino a riaffiorare entrambi dallo stesso sonno, si è pari.

Alle volte invece era lui che entrava in camera a destarla, con la tazzina del caffè, un minuto prima che la sveglia suonasse; allora tutto era più naturale, la smorfia per uscire dal sonno prendeva una specie di dolcezza pigra, le braccia che s’alzavano per stirarsi, nude, finivano per cingere il collo di lui. S’abbracciavano. Arturo aveva indosso il giaccone impermeabile; a sentirselo vicino lei capiva il tempo che faceva: se pioveva o faceva nebbia o c’era neve, a secondo di com’era umido e freddo. Ma gli diceva lo stesso: – Che tempo fa? – e lui attaccava il suo solito brontolamento mezzo ironico, passando in rassegna gli inconvenienti che gli erano occorsi, cominciando dalla fine: il percorso in bici, il tempo trovato uscendo di fabbrica, diverso da quello di quando c’era entrato la sera prima, e le grane sul lavoro, le voci che correvano nel reparto, e così via.

A quell’ora, la casa era sempre poco scaldata, ma Elide s’era tutta spogliata, un po’ rabbrividendo, e si lavava, nello stanzino da bagno. Dietro veniva lui, più con calma, si spogliava e si lavava anche lui, lentamente, si toglieva di dosso la polvere e l’unto dell’officina. Così stando tutti e due intorno allo stesso lavabo, mezzo nudi, un po’ intirizziti, ogni tanto dandosi delle spinte, togliendosi di mano il sapone, il dentifricio, e continuando a dire le cose che avevano da dirsi, veniva il momento della confidenza, e alle volte, magari aiutandosi a vicenda a strofinarsi la schiena, s’insinuava una carezza, e si trovavano abbracciati.

Ma tutt’a un tratto Elide: – Dio! Che ora è già! – e correva a infilarsi il reggicalze, la gonna, tutto in fretta, in piedi, e con la spazzola già andava su e giù per i capelli, e sporgeva il viso allo specchio del comò, con le mollette strette tra le labbra. Arturo le veniva dietro, aveva acceso una sigaretta, e la guardava stando in piedi, fumando, e ogni volta pareva un po’ impacciato, di dover stare lì senza poter fare nulla. Elide era pronta, infilava il cappotto nel corridoio, si davano un bacio, apriva la porta e già la si sentiva correre giù per le scale.

Arturo restava solo. Seguiva il rumore dei tacchi di Elide giù per i gradini, e quando non la sentiva più continuava a seguirla col pensiero, quel trotterellare veloce per il cortile, il portone, il marciapiede, fino alla fermata del tram. Il tram lo sentiva bene, invece: stridere, fermarsi, e lo sbattere della pedana a ogni persona che saliva. “Ecco, l’ha preso”, pensava, e vedeva sua moglie aggrappata in mezzo alla folla d’operai e operaie sull undici”, che la portava in fabbrica come tutti i giorni. Spegneva la cicca, chiudeva gli sportelli alla finestra, faceva buio, entrava in letto.

Il letto era come l’aveva lasciato Elide alzandosi, ma dalla parte sua, di Arturo, era quasi intatto, come fosse stato rifatto allora. Lui si coricava dalla propria parte, per bene, ma dopo allungava una gamba in là, dov’era rimasto il calore di sua moglie, poi ci allungava anche l’altra gamba, e così a poco a poco si spostava tutto dalla parte di Elide, in quella nicchia di tepore che conservava ancora la forma del corpo di lei, e affondava il viso nel suo guanciale, nel suo profumo, e s’addormentava.

Quando Elide tornava, alla sera, Arturo già da un po’ girava per le stanze: aveva acceso la stufa, messo qualcosa a cuocere. Certi lavori li faceva lui, in quelle ore prima di cena, come rifare il letto, spazzare un po’, anche mettere a bagno la roba da lavare. Elide poi trovava tutto malfatto, ma lui a dir la verità non ci metteva nessun impegno in più: quello che lui faceva era solo una specie di rituale per aspettare lei, quasi un venirle incontro pur restando tra le pareti di casa, mentre fuori s’accendevano le luci e lei passava per le botteghe in mezzo a quell’animazione fuori tempo dei quartieri dove ci sono tante donne che fanno la spesa alla sera.

Alla fine sentiva il passo per la scala, tutto diverso da quello della mattina, adesso appesantito, perché Elide saliva stanca dalla giornata di lavoro e carica della spesa. Arturo usciva sul pianerottolo, le prendeva di mano la sporta, entravano parlando. Lei si buttava su una sedia in cucina, senza togliersi il cappotto, intanto che lui levava la roba dalla sporta. Poi: – Su, diamoci un addrizzo, – lei diceva, e s’alzava, si toglieva il cappotto, si metteva in veste da casa. Cominciavano a preparare da mangiare: cena per tutt’e due, poi la merenda che si portava lui in fabbrica per l’intervallo dell’una di notte, la colazione che doveva portarsi in fabbrica lei l’indomani, e quella da lasciare pronta per quando lui l’indomani si sarebbe svegliato.

Lei un po’ sfaccendava un po’ si sedeva sulla seggiola di paglia e diceva a lui cosa doveva fare. Lui invece era l’ora in cui era riposato, si dava attorno, anzi voleva far tutto lui, ma sempre un po’ distratto, con la testa già ad altro. In quei momenti lì, alle volte arrivavano sul punto di urtarsi, di dirsi qualche parola brutta, perché lei lo avrebbe voluto più attento a quello che faceva, che ci mettesse più impegno, oppure che fosse più attaccato a lei, le stesse più vicino, le desse più consolazione. Invece lui, dopo il primo entusiasmo perché lei era tornata, stava già con la testa fuori di casa, fissato nel pensiero di far presto perché doveva andare.

Apparecchiata tavola, messa tutta la roba pronta a portata di mano per non doversi più alzare, allora c’era il momento dello struggimento che li pigliava tutti e due d’avere così poco tempo per stare insieme, e quasi non riuscivano a portarsi il cucchiaio alla bocca, dalla voglia che avevano di star lì a tenersi per mano. Ma non era ancora passato tutto il caffè e già lui era dietro la bicicletta a vedere se ogni cosa era in ordine. S’abbracciavano. Arturo sembrava che solo allora capisse com’era morbida e tiepida la sua sposa. Ma si caricava sulla spalla la canna della bici e scendeva attento le scale.

Elide lavava i piatti, riguardava la casa da cima a fondo, le cose che aveva fatto il marito, scuotendo il capo. Ora lui correva le strade buie, tra i radi fanali, forse era già dopo il gasometro. Elide andava a letto, spegneva la luce. Dalla propria parte, coricata, strisciava un piede verso il posto di suo marito, per cercare il calore di lui, ma ogni volta s’accorgeva che dove dormiva lei era più caldo, segno che anche Arturo aveva dormito lì, e ne provava una grande tenerezza.



Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...