martes, 14 de febrero de 2012

Roob Habeen (812)

Qofaan gayi aad u fog,
ka jacelahay baa jira.
Wax i kadeediya baa jira,
iigaga xiran salka wadnaha.

Fogaan badanba gayigee
booqashadiisii kari maayo;
bohalyaw baan karaa qura, kula jeedaalin,
maalintiiba.

Qodto dheerba muragadee
fujinteedu la kari maayo;
habeenba jiri maayo,
bal aanan kugu hammiyin,
saacaddiiba.
 
Tiriyay: Bo Juyi (772 – 846)
Loo tiriyay: Yuan Zhen (779 – 831)
Dal: Shiineha
Tarjamay: Samantar Maxamad Siciid
Laga soo qaaday: http://rictornorton.co.uk ; Gay History & Literature.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...