miércoles, 26 de septiembre de 2012

Maya, waxnaba (Non, rien de rien)


Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Wanaagga lay soo galay, iyo xumaantaba
Dhamaan wayskula kay mid.
Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Waa la guday, waa la tirtiray, waa la ilaabay
Waxba igama galin tagtada.
Xusuusahayga
Waxaan la shiday dabka;
Murugahaygii, arwaaxyadaydii
Uma qabo baahi danbe;
Tirtiran jacayladaydii
Iyo balbaladoodii
Tirtiran ilaa iyo abadkooda
Waxaan ka soo bilaabaa kaw.
Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Wanaagga lay soo galay, iyo xumaantaba
Dhamaan wayskula kay mid.
Maya, waxnaba
Maya, kama shalaayi waxba
Dee nolashaydii, dee farxadahaygii
Maantay adi kula bilaabmaan.
 
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
Ni le bien qu'on m'a fait, ni le mal
Tout ça m'est bien égal
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
C'est payé, balayé, oublié
Je me fous du passé
Avec mes souvenirs
J'ai allumé le feu
Mes chagrins, mes plaisirs
Je n'ai plus besoin d'eux
Balayés mes amours
Avec leurs trémolos
Balayés pour toujours
Je repars à zéro
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
Ni le bien qu'on m'a fait, ni le mal
Tout ça m'est bien égal
Non, rien de rien
Non, je ne regrette rien
Car ma vie
Car mes joies
Aujourd'hui
Ça commence avec toi...
 
Heesaada: Édith Piaf
Dalka: Faransiiska
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid.

jueves, 13 de septiembre de 2012

Xadka hoosjoogga


Gobonimodoonka Xaajji Maalik Al-Shabaaz "Malcolm X"


Rag sabaan ka sabaan baan
samaantuun badshaa.

Hadduu saakimi waayo
sariiraan u dhigaa
iska seexo iraa.

Hadduu saakimi waayo
caanahii hasha Suub baan
sadex goor u lisaa
ku sariigo iraa.

Hadduu saakimi waayo
sumalkii rugta joogay iyo
sogabkaan u qalaa.

Hadduu saakimi waayo
sixnigii Cadameed baan
subagga uga badshaa.

Hadduu saakimi waayo
gabar suurad wanaagsan baan
suradda ugu dhisaa.

Hadduu saakimi waayo
xoolo gooni u soofi iyo
sadadkaan ku laraa.

Hadduu saakimi waayo
seedaw, mood iyo mood iyo
salaantaan badshaa.

Hadduu saakimi waayo
salaaddaan labolaabaa oo
maydal, seedo madaw iyo
salligaan cuskadaa oo
sulub eebo ku joogtaa;
sarartaan ku dhuftaa oo
sanbabka ka baxshaa
markaasuu sallimaa!

(Faarax Nuur)



The limits of submission

To the colonialist, time to time
I show only abundant goodness.

If he is not satisfied
I spread out bedding for him
And sleep, I say.

If he is still not satisfied
The milk of the camel whose name is Suub
I milk three times for him
And take comfort in it, I say 

If he is still not satisfied
The homestead’s ram
And the fat he-goat 
I kill for him.

If he is still not satisfied
The plate from Aden
I fill with ghee for him.

If he is still not satisfied
A beautiful girl
And her bridal house
I offer for him.

If he is still not satisfied
I select livestock also
And add them to the tribute.

If he is still not satisfied
Oh brother-in-law and cheer and salutation
I lavish upon him.

If he is still not satisfied
At a certain day I speed up
Morning Prayer and prepare
The dark grey horse with black tendons
And with the words “Praise to the Prophet” I seize
Smooth headed small spear by the shaft
And drive it through his ribs
So that his lungs spew out;
Then he is satisfied!  
 

Somali Poetry: An Introduction.
B. W. Andrzejewski and I. M. Lewis
Clarendon Press, 1964

lunes, 3 de septiembre de 2012

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...