martes, 15 de enero de 2013

Fiin



Fiinyahay adaa olalayoo oohin ciirsadayee
Haddaan laguu iman waad aamusi lehaydee
Maxaad aragtay? Waan kula qabaa uurkutaaladee.

Waxay tiri: Ilaahay haddaad aad u garanaysoo
Aad Islaan tahay i daay waan irdheeysan ahayee.

Waxaan iri: qofkii i abhiyaa wuu amaan heliyee
Ash-shahaaddiyo waan aqaan aayaddii Nabiyee
Ha yeeshee ilamada kaa dhacdiyo umalka guudkaaga
Inyar iiga sheeg waxaan rabaa inaan ogaadaayee.

Waxay tiri: inkaaruu ku go’ay odaygii Soomaalee
Awlaadduu dhalayna waa sida adoogoodee
Hadday uliyo diirkayd yahiin rag iska eegaayee;
Afrikadan ma joogayn nimaan aabe ku lehaynee
Ayax kuma dhalayn kaymahii ubaxa waynaayee
Anna aydaan joogi jiray kama abraaraynee.

Waxaan iri: irankii nalaga qaad, aad ahaan jirayee
Waa taa lakala iibsaday aan nala ogeeysiinee;
Awddaaba laga gooynayaa irankii Laasoodee
Meeshaad ilamaha dhigan lehayd uun kalaa dagayee.

Waxay tiri: dhulyahaw ahaladaa ma leho iimaanee
Ilaaleeyayoo dunida waa ugu liidtaanee
Ayagaa ableyda isu sidta eebo xoog badanee
Intay ayro kala qaadayaan aarsan maayaanee.

Waxaan iri: nin tiisaba anfacay agab haddaad mooddo
Umaliyo adoo gaajo qaboo uu col ku eryaayo
Haddaad aqalka ugu soo gashoo aad magan ku soo aaddo
Uluu kaaga reebaa wixii kaa itaal badanee;
Haka eegin doqan kaama rido aar ku sii sidee.

Waxay tiri: ar beenaad waddaa ina Xusaynaw
Ugaasiyo qabiilnimo kuwii ubax ku faanayay
Waa taa albaabkii la yimid agabtu noo tiilee
Mayaan maanta aafaadkan dhacay amarkan loo sheeginee?

Waxaan iri: ilaaqay hayaan adabna lays waayee
Afkuunay ka tookhaan sidii ooryahoo kalee
Bootada ardaayada haddaad asali mooddo
Aduunaa awaaraha ku lumi oo ilka cadeeynee.

Waxay tiri: Ilaahay hadduu duul arin u diidoo
Uu Ibliis gabi ka rido sooma ururaanee;
Qalbigii engagay waanaduu orad ku dhaafaayee
Goormaa inkaartani heshayee lagu alhuumeeyay?

Waxaan iri: arbiyo laguma ogo geesi aynabee
Iniinaha kilyahiyo wadnaa iini kaga taalee
Aanada tolkoodaa uga roon uumaneha kalee
Maxaan ararta kaga daalayaa? Edag naloo gooyee!


Tiriyay: Cali Xusayn.
Laga soo qaaday: Suugaan, fasalka labaad, dugsiyada sare. Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta. Muqdisho, 1977.


*Fiinta: Shinbir markay cido, Soomaalidu ka baqdo col iyo shaqaaqo.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...