sábado, 9 de febrero de 2013

Maansooyinka jacaylka ee Marichiko




XVI

La guban jacayl, kabajaagu
waa ooyaa. U shiban sida gaaraabidhaanka,
jiirkaygu wuxuu la baaba’aa jacayl.
 

Scorched with love, the cicada
Cries out. Silent as the firefly,
My flesh is consumed with love.
 

XXVI 

Waa aminkay soo naqodaan
boolanboolooyinka duurjoogta. Indhaxaadkii
galabdhaca iyo dayax soo baxa,
waxay duulimaad kula qoraan
astaanta “wadne”.
 

It is the time when
The wild geese return. Between
The setting sun and
The rising moon, a line of
Brant write the character “heart”.
 

Marichiko waa maansoole dhadig jabaan ah, ee uu maansooleha iyo tarjamaanka maraykanka Kenneth Rexroth (1905 – 1982) soo tarjamay maansooyinkayda, lana daabacay 1978kii. Hase ahaadtee Marichiko waa magacfaneed ee uu isla Kenneth Rexroth allifay.
 

Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...