viernes, 1 de marzo de 2013

Badgadiska


Mool sodan caguu aabahaa yaal;
Lafahii murjaan weeyaan;
Kuwaa waa luul ahaa dhaayahii:
Waxna jirkii kama fasaqaan
Maahee inuu u rogaa badgadisku
Wax hodan iyo abyan leh.
Gabaray-maanyooyinkaa saacaddiiba
Garaaca dawanka geeridii.
(Jilka I, Tusmada II. “Duufaanta” ee Shakespeare).


Qaabrogasho: Cir iyo Biyo I. (M.C.Esher, 1938)
 

- Waa tahay, - buu dhahay ninku. - Haddaba see?
- Maya, - bay dhahday inantu, - kari maayi.
- Waxaad ka waddaa ma yeeli doontid.
- Kari maayi, - bay dhahday inantu. - Intaasaan ka wadaa.
- Waxaad ka waddaa inaadan yeeli doonin.
- Waa tahay, - bay dhahday inantu. - Yeel saad doontid.
- Yeeli maayi saan doono. Ilaahaa igu og way ahayd inaan yeelo.
- Waad yeeli jirtay muddo badan.
Waxay ahayd goor hore, ma jooginna qofna maqaayoda laga reebo baarhayeha iyo labadatan oo fadhiyay miis geeska yiil. Waxay ahayd dhamaadka xagaaga waxay labaduna lehaayayn midab maariina oo ugu ekaayayn inay meel kaga soo taagnayayn Baariis. Inantu waxay xiranayd canbuur tweed ah, gibalkaydu wuxuu ahaa jilayc ee marroon dahabiya, timahaydii jaallaha gaab bay u jaranaayayn oo si quruxa dib ugaga soo korayayn fooddayda. Ninku waa eegayay.
- Taas waan dili doonaa, - buu dhahay.
- Fadlan ha yeelin, - bay dhahday inantu. Waxay lehayd gacamo wanaagan ninkuna waa eegayay. Way dhuubanaayayn oo marroon ahaayayn oo aad u qurux ahaayayn.
- Waan yeeli doonaa. Ilaahaan ku dhaartaa waan yeeli doonaa.
- Kaama dhigi doonto farxaan.
- Ma karin inaad dhax gashid wax kale? Ma karin inaad dhax gashid qas kale uun?
- Uma eko, - bay dhahday inantu. - Maxaad ka qaban doontaa?
- Waan kuu sheegay.
- Maya, dhabaan u dhahaa.
- Maan ogi, - buu dhahay. - Waxay u fidisay gacantayda.
- Duqa miskiin! Phil, - bay dhahday. - Wuxuu eegay gacamahaydii, kumuusan taabanin gacantiisa taydii.
- Maya, mahadsanid, - buu dhahay.
- Yeeli mayso waxna inaan dhaho waan ka xumahay?
- Maya.
- Xataa inaan kuu sheego say arintu tahay?
- Waxaan ka doortaa inaanan maqalin.
- Aadaan kuu jacelahay.
- Haa, tanaa wax muujisa!
- Waan ka xumahay, - bay dhahday - haddaadan fahamin.
- Waan fahansan ahay. Taas waaye rabshada. Waan fahansan ahay.
- Runtii, - bay dhahday. - Taas way sii xumeeysaa arinta, dabcan.
- Hubaalba, - buu dhahay, isoo eegaya. - Waan fahami doonaa had iyo jeer. Dharaartii dhan iyo habeenkii dhan, siiba habeenkii. Waan fahami doonaa. Maaho inaad ka walwashid.
- Waan ka xumahay, - bay dhahday.
- Hadduu ahaan ahaa nin...
- Ha dhahin. Muusan naqon karin nin. Waa ogtahay taas. Iguma kalsooni qabtid?
- Taas waa qosal, - buu dhahay. - Inaan kugu kalsooni qabo. Taas dhabtii waa qosal.
- Waan ka xumahay, - bay dhahday. - Intaas qura inaan dhahaa bay u egtahay. Laakiin goortaynu is fahanno, wax tari mayso inaynu iska dhigno si kale.
- Maya, - buu dhahay – Wax tari mayso bay ila tahay.
- Waan soo naqonayaa haddaad doontid.
- Maya, kaa dooni maayi.
Deedto maysan is dhahin waxna wax xoogaa.
- Ma qabtid inaan ku jacelahay, yaa? - bay waydiisay inantu.
- Yaynu ku hadalin bacaac, - buu dhahay ninku.
- Ma qabtid dhabtii inaan ku jacelahay?
- Maad muujisid?
- Maadan ahaan jirin saas. Waligaada imaadan waydiisanin inaan wax muujiyaa. Taas adab ma leho.
- Waxaad tahay inan yaab leh.
- Adise ma lehid. Waxaad tahay nin fiican waxayna jabisaa qalbigayga inaan baxo oo kaa tago...
- Waa inaad yeeshaa, dabcan.
- Haa, - bay dhahday. - Waa inaan yeelaa adina waa ogtahay.
Muusan dhahin waxna iyana intay eegtay bay gacanta u fidisay jeer kale.
Baarhayeha waxaa laga helayay geeska kale ee maqaayada. Wajigiisu waa cadaa, jaakaddiisuna saasoo kale. Wuu yaqiin labadatan oo uu u haystay labaan dhalinyara qurxoon. Wuu soo wada arkay labaano badan oo dhalinyara qurxoon oo kala gooystay iyo labaano cusub wada abuurmay oo aanan waligooda qurux iskula dheeraanin. Kamuusan fikiraynin tan, bal faras. Nus saac kabacdi wuxuu u diran karay qof jidka dhankiisa kale si uu uga warhelo hadduu farasku guuleeystay.
- Maad karin inaad ii roonaadtid oo aad i sii daaysid? - bay waydiisay inantu. - Maxaad u maleeynaysaa oo aan qaban doonaa?
Labo qofaa soo galay oo aaday miiska baarka.
- Hagaag, - baarhayehii baa ka qaaday dalabka.
- Ima cafin kartid? Goormaad ogaadtay? – bay waydiisay inantu.
- Maya.
- Uma maleeynaysid waxaynu wada soo qabnay oo wada soo yeelnay waa inay wax farqiya ku yeeshaan isfahanka?
- "Xumadu waa xunguruf aad u leh qaab cabsi",  - buu ninkii dhalinyarta u dhahay si qaraara, - inay tahay... wax... ama wax kale, bay u baahan tahay mooyee in la arkaa. Dabadayd, baynu wax, wax kale, dabadayd qaabilnaa. - Muusan xusuusan karin erayadii.  - Sooma meerin kari, - buu dhahay.
- Yaynu dhahin xumo, - bay dhahday. - Taas adab ma leho.
- Fisqi, - buu dhahay.
- James – mid ee rukunadaa la hadalay baarhayeha, - si fiicanaad u muuqadtaa.
- Si fiinanaad u muuqadtaa adina,  - buu dhahay baarhayeha.
- Duqa saaxiib! James, - buu dhahay rukunkii kale.  - Waa sii buuradtay, James.
- Waa si daran, - buu dhahay baarhayeha, - saan u buurtay.
- Ha ilaabin inaad iigu cadeeysid brandy-ga, James, - buu dhahay rukunkii koowaad.
- War maya,  - buu dhahay baarhayeha. – Igu ogaw.
Labada miiska baarka fadhiyayaa eegay labada miiska geeska maqaayada fadhiyay, dabadayd baarhayehay dib u eegayn. Dhankii baarhayehaa la haboonaaday.
- Waxaan ka jacelaan lehaa inaadan adeeganin erayadaas oo kale, - bay dhahday inantu. - Looma baahano in la adeegto eraygaas oo kale.
- Maxaad doonaysaa inaan ku waco?
- Maaho inaad wax ku wacdid. Maaho inaad siisid magac.
- Kaas waa magacayda.
- Maya, - bay dhahday. - Waxaynu ka kooban nahay waxo kala jaadjaada. Waa ogtahay taas. Si fiicanaad u adeegan jirtay.
- Maaho inaad sheegsheegtid jeer kale.
- Haddee taasaa kuu sharaxda.
- Waa tahay, - buu dhahay - waa tahay.
- Waa wada qaladaad ka waddaa. Waa ogahay. Waa wada qalad. Waan soo naqon doonaa. Waan kuu sheegay waan soo naqon doonaa. Waan soo naqon doonaa durbadiiba.
- Maya, sooma naqon doontid.
- Waan soo naqon doonaa.
- Maya, sooma naqon doontid. Uma soo naqon doontid xaggayga.
- Waad arki doontaa.
- Haa, - buu dhahay. - Taas waaye dhibaadtada. Way u badan tahay inaad yeeli doontid.
- Dabcan waan yeeli doonaa.
- Orad haddee.
- Dhabtii? - Maysan aamini karin, laakiin codkayda wuxuu lehaa farax.
- Orad! - Codkiisaa la lehaa yaab. Wuxuu eegayay iyada, suu afkaydu u qaabsamay iyo xoodanaanta goonahayda, dhaayohayda, iyo say timahaydu uga soo korayn fooddayda, iyo hareeraha dhagahayda iyo luquntayda.
- Maya, dhabtii? Oh, aadaad qof macaana u tahay,  - bay dhahday. - Aadaad iigu roon tahay.
- Goortaadna soo naqodtid ii wada sheeg dhamaan -. Codkiisa si aad yaab u leh buu u dhawaaqayay. Muusan aqoonsanin. Si dhaqso leh bay u dhugadtay. Wuxuu ku qancay wax uun.
- Waxaad doonaysaa inaan tagaa? – bay u waydiisay, si dhaba.
- Haa, - buu dhahay.  - durbadiiba -. Codkiisa ma ahaynin isla kii, afkiisana aad buu u engagay. - Isla hadda, - buu dhahay.
Way joogsadtay oo u baxday dhaqsoba. Maysan u soo eegin dib. Wuu sii eegayay iyadoo sii baxda. Muusan u ekaynin isla ninkii uu ahaa kahor intuusan ku dhahin iska bax. Wuu ka soo joogsaday miiska oo ka soo qaadtay labada qaansheegtada oo la aaday miiska baarka.
- Waxaan ahay nin kale, James, - buu ku dhahay baarhayeha. - Waxaad igu aragtaa anoo wada ah nin kale.
- Haa, saaxiib?  - buu dhahay James.
- Xumadu - buu dhahay dhalinka maariinka ah - waa wax yaaba, James -. Wuxuu albaabka ka dhax eegay dibada. Wuxuu arkay iyadoo jidka ku sii jirta. Intuu ka dhax eegayay dibada galaaska, wuxuu arkay inuu dhabtii ahaa wada nin kale. Labada nin ee kale fadhiyay miiska baarka way durkayn si ay meel ugu baneeyaan.
- Waa ku saxan tahay, saaxiib, - buu dhahay James.
Labadii kale way sii durkayn inyar, si uu u helo wax xoogaa firaaqo. Dhalinkii ninka wuxuu iska soo arkay maraayadda ka danbeeysa baarka. - Waxaan dhahay inaan ahaa nin kale, James, - buu dhahay. Intuu eegayay maraayadda wuxuu arkay in tani wada ahayd run.
- Si fiicanaad u muuqadtaa, saaxiib, - buu dhahay James. – Waa inaad soo qaadadtay xagaa aad u wanaagan.
 

Qoraaga: Ernest Hemingway
Sheekada: Gaaban
Dalka: Maraykanka
Tarjamidda: Samantar Maxammad Saciid.


****

Xumadu waa xunguruf aad u leh qaab cabsi,
Saana loo naceb yahay bay u baahan tahay mooyee in la arkaa;
Haddana, la arkaa badani, oo loo bartaa,
Baynu horaantii u dulqaadanaa,
Dabadayd u jiirnaxnaa, dabadayd qaabilnaa.
(Curis ku saabsan Banii-Aadanka: Risaalada II)

****

Vice is a monster of so frightful mien,
As, to be hated, needs but to be seen;
Yet seen too oft, familiar with her face,
We first endure, then pity, then embrace.
(An essay on Man: Epistle II. By Alexander Pope)


****

Sea-change (by Ernest Hemingway)


“All right,” said the man. “What about it?”
“No,” said the girl, “I can’t.”
“You mean you won’t.”
“I can’t,” said the girl. 
“That’s all that I mean.”
“You mean that you won’t.”
“All right,” said the girl.  “You have it your own way.”
“I don’t have it my own way.  I wish to God I did.”
“You did for a long time,” the girl said.
It was early, and there was no one in the cafe except the barman and these two who sat together at a table in the corner.  It was the end of the summer and they were both tanned, so that they looked out of place in Paris.  The girl wore a tweed suit, her skin was a smooth golden brown, her blonde hair was cut short and grew beautifully away from her forehead.  The man looked at her.
“I’ll kill her,” he said.
“Please don’t,” the girl said.  She had very fine hands and the man looked at them.  They were slim and brown and very beautiful.
“I will.  I swear to God I will.”
“It won’t make you happy.”
“Couldn’t you have gotten into something else?  Couldn’t you have gotten into some other jam?”
“It seems not,” the girl said.  “What are you going to do about it?”
“I told you.”
“No; I mean really.”
“I don’t know,” he said.  She looked at him and put out her hand.  “Poor old Phil,” she said.  He looked at her hands, but he did not touch her hand with his.
“No, thanks,” he said.
“It doesn’t do any good to say I’m sorry?”
“No.”
“Nor to tell you how it is?”
“I’d rather not hear.”
“I love you very much.”
“Yes, this proves it.”
“I’m sorry,” she said, “if you don’t understand.”
“I understand.  That’s the trouble.  I understand.”
“You do,” she said.  “That makes it worse, of course.”
“Sure,” he said, looking at her.  “I’ll understand all the time.  All day and all night.  Especially all night.  I’ll understand.  You don’t have to worry about that.”
“I’m sorry,” she said.
“If it was a man—”
“Don’t say that.  It wouldn’t be a man.  You know that.  Don’t you trust me?”
“That’s funny,” he said.  “Trust you.  That’s really funny.”
“I’m sorry,” she said.  “That’s all I seem to say.  But when we do understand each other, there’s no use to pretend we don’t.”
“No,” he said.  “I suppose not.”
“I’ll come back if you want me.”
“No.  I don’t want you.”
Then they did not say anything for a while.
“You don’t believe I love you, do you?” the girl asked.
“Let’s not talk rot,” the man said.
“Don’t you really believe I love you?”
“Why don’t you prove it?”
“You didn’t use to be that way.  You never asked me to prove anything.  That isn’t polite.”
“You’re a funny girl.”
“You’re not.  You’re a fine man and it breaks my heart to go off and leave you–”
“You have to, of course.”
“Yes,” she said.  “I have to and you know it.”
He did not say anything and she looked at him and put her hand out again.  The barman was at the far end of the bar.  His face was white and so was his jacket.  He knew these two and thought them a handsome young couple.  He had seen many handsome young couples break up and new couples form that were never so handsome long.  He was not thinking about this, but about a horse.  In half an hour he could send across the street to find if the horse had won.
“Couldn’t you just be good to me and let me go?” the girl asked.
“What do you think I’m going to do?”
Two people came in the door and went up to the bar.
“Yes, sir,” the barman took the orders.
“You can’t forgive me? When you know about it?” the girl asked.
“No.”
“You don’t think things we’ve had and done should make any difference in understanding?”
“‘Vice is a monster of such fearful mien,” the young man said bitterly, “that to be something or other needs but to be seen.  Then we something, something, then embrace.” He could not remember the words.  “I can’t quote,” he said.
“Let’s not say vice,” she said.  “That’s not very polite.”
“Perversion, ” he said.
“James,” one of the clients addressed the barman, “you’re looking very well.”
“You’re looking very well yourself,” the barman said.
“Old James,” the other client said.  “You’re fatter, James.”
“It’s terrible,” the barman said, “the way I put it on.”
“Don’t neglect to insert the brandy, James,” the first client said.”
“No, sir,” said the barman.  “Trust me!”
The two at the bar looked over at the two at the table, then looked back at the barman again.  Towards the barman was the comfortable direction.
“I’d like it better if you didn’t use words like that,” the girl said.  “There’s no necessity to use a word like that.”
“What do you want me to call it?”
“You don’t have to call it.  You don’t have to put any name to it.”
“That’s the name for it.”
“No,” she said.  “We’re made up of all sorts of things.  You’ve known that.  You’ve used it well enough.”
“You don’t have to say that again.”
“Because that explains it to you.”
“All right,” he said.  “All right.”
“You mean all wrong.  I know.  It’s all wrong.  But I’ll come back.  I told you I’d come back.  I’ll come back right away.”
“No, you won’t.”
“I’ll come back.”
“No, you won’t.  Not to me.”
“You’ll see.”
“Yes,” he said.  “That’s the hell of it.  You probably will.”
“Of course I will.”
“Go on, then.”
“Really?”  She could not believe him, but her voice was happy.
“Go on,” his voice sounded strange to him.  He was looking at her, at the way her mouth went and the curve of her cheek bones, at her eyes and at the way her hair grew on her forehead and at the edge of her ear and at her neck.
“Not really.  Oh, you’re too sweet,” she said.  “You’re too good to me.”
“And when you come back tell me all about it.”  His voice sounded very strange.  He did not recognize it.  She looked at him quickly.  He was settled into something.
“You want me to go?” she asked seriously.
“Yes,” he said seriously.  “Right away.”  His voice was not the same, and his mouth was very dry. “Now,” he said.
She stood up and went out quickly.  She did not look back at him.  He watched her go.  He was not the same looking man as he had been before he had told her to go.  He got up from the table, picked up the two checks and went over to the bar with them.
“I’m a different man, James,” he said to the barman.  “You see in me quite a different man.”
“Yes, sir?” said James.
“Vice,” said the brown young man, “is a very strange thing, James.”  He looked out the door.  He saw her going down the street.  As he looked in the glass, he saw he was really quite a different looking man.  The other two at the bar moved down to make room for him.
“You’re right there, sir,” James said.
The other two moved down a little more, so that he would be quite comfortable.  The young man saw himself in the mirror behind the bar.  “I said I was a different man, James,” he said.  Looking into the mirror he saw that this was quite true. “You look very well, sir,” James said. 
“You must have had a very good summer.”
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...