sábado, 11 de mayo de 2013

Waxay na siiyayn dhulka

 
Waxay na siiyayn dhulka waxaa ugu horaantii lagu daabacay tirsiga 2d ee majalladda Pan Juuliyo 1945kii, waxaana lagu daray ururiska sheekooyin gaabgaaban oo la magacbaxay El llano en llamas (Banka holacu ka baxayo) 1953kii. Buuggan iyo buug kale ee sheeko dheergaaban Pedro Páramo (1955kii) ayaa u ahawday qoreha meksikaanka Khuwaan Rulfo inuu naqodo kuwa ugu caansan qoreyaasha afka isbaanyoolka darta farshaxannimadiisa casriga. Saamaynta dagaanka soolxigaynka iyo farqiga wayn awoodeed u dhaxeeya xoogsadtada beeraleyda dhullaaweha iyo dhulleyda dhulgo’sadtada ay ku lehaayayn bulshada ayaa ah mawduuca sheekooyinkiisa. Kacaanka Meksiko (1910kii ilaa 1920kii) inkastuu soo yareeyay farqigaa, waxayse naqodtay in had iyo jeer goorta kacaanleydu isu rogtaa xukuumad ay cod u naqodto codadka xoogxoogan oo codadkii reer miyiga ugu ciidamayay kacaanka naf iyo neefafba ay ku cod beelaan. U sacodaalka kuwan danbe ee xagga balanka kacaanka waa waxay ku saabsan tahay sheekadan gaaban ee cinwaanka kajanka leh.
 

 Kadib saacado badan ee soo sacosho ee aynu la kulmin har ee geedba, iniin ee geedba, xidid ee waxba, waxaa la maqlaa qaylinta ayaha.
 Qofku wuxuu moodayay marmar, inta lagu soo dhaxjiray jidkan banka ah, inaan waxba ka jiri doonin gadaal; inaan lagala kulmi karin waxba dhinaca kale ee dhamaadka bankan la jarjaran dildilaac iyo jeexyo engagan. Laakiin haahay, waxaa ka jira. Waxaa ku taala tuulo. Waxaa la maqlaa inay ciyayaan ayahu, waxaana laga soo ursadaa hawada qiiqa, waxaana laga soo ursadaa qiiqaa ee dadka sidii isagoo ahaa rajo.
 Tuuladuse wali waa fog tahay. Waa dabaysha tan soo durkisa.
 Waxaynu sacod kula imanaynay ilaa waabarigii. Haddaytadan waa in le’eg afartii galabnimo. Qofaa wajiga u baxiya cirka, indhaha u jiida meesha qoraxdu suran tahay oo yiraa:
— Waa in le’eg afartii galabnimo.
 Qofkaa waa Melitón. Ku jira isagu, waxaynu ku saconaa Faustino, Esteban iyo aniga. Waxaynu nahay afar. Anigaa tiriya: labo hore, labo kale gadaal. Waxaan fiiriyaa gadaal danbe oo ma arki qofna. Deedto waxaan is iraa: «Waxaynu nahay afar.» In dhawayd, abaaraha kaw iyo tobankii, waxaynu ahayn labaadtanaad; laakiin kis kisay u kala sii go’go’ayayn ilaa ay ka harayn waxaan ka badnaynin intan inaga ah.
 Faustino baa yiraa:
— Laga yaabaa in roob da’aa.
 Gadi waxaynu kor ugu qaadnaa wajiga oo fiirinaa daruur madaw ee culus oo naga dulmaraysa madaxa. Waxaynuna ku fikirnaa: «Waa laga yaabaa.»
 Ma niraahno waxaynu ku fikirno. Muddo horay hadal-rabidddii naga tagtay. Waxaa naga qabsaday kulaylka. Qofku waa kula sheekaysan lehaa jeelnimo meel kale, halkanse waa ku hawl adayg. Qofka ku sheekaystaa halkan erayadaaba ugu kululaada afka kulaylka dibada dartiisa, waxayna kula qalalaan carabkiisa ilaa uu ugu danbeeyaa hiinraag. Halkan waa saa arimahu. Saa dartayd qofna ma qababdto sheekaysi.
 Waxaa soo dhacda dhibic biyo, wayn oo buuran, oo ka samaysa dalool dhulka, dibna ugu dhaafta qoosh ah sidii cantuufo mar la soo tufay. Waxay la soo dhacdaa kali. Inagu Waxaynu sugnaa inay soo dhacaan kuwo kale oo kula daydaynaa indhaha. Laakiin maba jiraan kuwo kale. Roob ma soo da’o. Haddayto haddii la fiiriyaa cirka waxaa la arkaa geeldoojeha oo ugu sii carara shishe dhaqso. Dabaysha ka timaadta tuuladaa ku biirta oo ka horgeeysa hoosaska buluugga ah ee gunburada. Dhibicda u soo dhacday gaf-ahaan waxaa laqa dhulka waxayna ku baaba’daa oonkiisa.
 Yaa baloo dooni lehaa bankan aadka u wayn? Muxuu tari, yaa?
 Waxaynu dib u qabsanay sacoshadii, waxaynu la joogsanay arkidda da’idda roobka. Roob ma soo da’in. – Haddayto, waxaynu dib u qabsanaa sacoshada. Waxaana igu soo dhaca inaynu soo saconay in ka badan intaynu saconaa. Waa fikirka igu soo dhaca. Hadduu roobka da’i lehaa, malaha waxaa igu soo dhaci lehaa fikrado kale. Wax kastaba, waan ogahay ilaa iyo intaan ahaa wiil, inaan arkin roob ku da’a waaqay banka, kan loo yaqaan roob da’id.
 Maya, banka ma aho wax wax tara. Ma ka jiro bakayleba iyo shinbiroba toona. Ma ka jiro waxba. Aan ka ahaynin wax xoogaa geedo quraceed ildaran iyo meel ka meel leh caws caleemo qonbabay; aan ka ahaynin taa, ma ka jiro waxba.
 Waa nakan halkanaynu saconaa, afartaynu. Hortii waxaynu fuulnayn fardo oo dhabarka babac noogu saarnaa qoriyo. Haddayto xataa qoriba ma sidano.
 Anigu had iyo jeer waxaan ku fikiri jiray in middaa ee naga qaadidda qoriga ahayd miday yeelayn si fiican. Aaggan waa ku halis in hub lala warwareegaa. Waxay qofka ku dilaan digniin la’i, kalkayba arkaan isagoo la warwareega qoriga «Winchester-ka sodanka» oo xakameha ugu xirxiran. Laakiin fardahu waa arin kale. Haddaynu ku iman lehayn fardo waynuba dhandhansan lehayn biyaha cagaarka dhirta ku dulcawiran ee wabiga, oo kula tamashlayn lehayn calooshaynii dhabaha tuulada si ay noogu dagtaa cunada. Waynuba soo qabqaban lehayn arintaa, haddaynu haysan lehayn fardahaa dhan ee aynu lehaan jirnay. Laakiinse fardahii waxay nooga qaadayn sidii qoriyada.
 Waxaan u jeestaa dhan kasta oo fiiriyaa banka. Intaa ee dhulaan waxba tarin. Waxaa la siibta qofku indhaha kalkay waayaan wax joojiya. Xoogaa bulacyo quraa ka soo taagta madaxa godadkooda, isla kalkayna dareemaan gubka qoraxday cararaan si ay ugu ganbandaan hooska dhagax. Inaguse, kalkay tahay inaynu ka shaqaysanaa halkan, maxaynu yeelnaa si aynu isaga qabawjinaa qoraxda, yaa? Maxay inaga noo siiyayn qolaftan dhuleed ee didibka si aynu wax ugu abuuranaa? Waxay nagu yiraahdayn:
— Tuulada ilaa inta idinkaa leh. Inagaa warsana:
Ma banka?
— Haa, banka. Gabi banka wayn.
 Inagu waxaynu ka qabanaa dibinta inaynu niraa banka maynu rabin. Inaynu rabnay inta xigtay wabiga. Wabiga iyo ka shishe, aagga dhoobayda, meeshay ku yaalaan geedahaa ku magacawban casuarinas iyo daaqa iyo dhulka wanaagan. Mayase haraggan adag ee saca ee lagu magacawbaa Banka.
 Laakin mayan noo dhaafin inaynu waxaynu sheeganaa. Wakiilka ma u imanin inuu nala hadlaa. Wuxuu naga saaray waraaqaha gacanta oo yiri:
— Ha ka cabsanina inaydu leedahiin intaa dhul oo dhan idinka qura.
— Ee banku, mudane wakiil...
— Waa kumaan kun ee jibaalo.
— Laakiin ma leho biyo. Xataa wax kabo ah.
— Canbaarkana? Qofna ma idinku oranin waxaa la idin siin lehaa dhulal waraab leh. Kalkuuba halkaa ka da’aa roobka, waxay u soo baxdaa galaydu sidii iyadoo mar la soo jiiday.
— Laakiin, mudane wakiil, dhulku nabaadguur iyo cag-adayg waaye. Ma u malayno in irfidu gali kartaa halkaa, kaawaduu iska yahay Banku dartayda. Waa in lagu daldalooliyaa garwayn si miraha loogu beeraa, xataana sidaa ma ku suurawdo inuu ka soo baxaa waxba; galayba iyo waxba toona ma ka soo dhalan doonto.
— Taa ku cadeeya qoraal. Haddana, jidkiina qabta. Waa dhulgo’sadtada kuwa ah inaydu ku duushaan, mayase xagga dawladda idin siisa dhulka.
— Noo kaadi, mudane wakiil. Inagu ma oranin wax ku lidsan Dawladda Dhaxe. Waxuba dhan wuxuu ku lidsan yahay banka… laguma lid naqon karo waxaan lagu lid naqon karin. Taa waa waxaynu niri… noola kaadi si aynu kuugu sharaxnaa. Fiiri, aynu ka soo bilawno meeshaynu isla joognay…
 Isaguse ma rabin inuu na maqlaa.
 Sidaa bay noo siiyayn dhulkan. Birtaawadanna kululay rabaan inaynu ku abuurnaa miro ee waxuun, bal haddiiba uu wax ka soo fufaa oo ka soo koraa. Laakiin waxba ma ka kori doono inta. Xataaba coomaadiga madaw. Waxaa lagu arkaa halkaa ee cirbarka goorba goor, isagoo aad u biibaya oo isku dayaya inuu kaga baxsadaa sida ugu dhaqsada miiran carocaddan habaaska iyo cag-adaygga ah, meeshaan waxna ka dhaqdhaqaaqin iyo meesha qofku kula saconayo gadaal gadaal. Melitón baa yiraa:
 — Kan waa dhulkay na siiyayn. Faustino baa yiraa:
 — Kee?
 Aniga ma iraahdi waxba. Waxaan ku fikiraa anigu: «Melitón waxaa ka tagay miyirka, waa inuu ahaadaa kulaylka waxa uga hadalsiiya sidaa. Kulaylka uga soo dhaxdusay koofiyadda oo ka kululeeyay madaxa. Hadduu ahayninna, muxuu u yiraa wuxuu yiraahdo? Dhulkee na siiyayn, Melitón? Meeshan ma ka jirto xataa inta ugu yaray u baahan lehayd dabayshu si ay ugu dheeldheeshaa cirboorta.»
 Melitón baa kal kale yiraa:
 — Waxuu tari doonaa. Wuu tari wax xataa hadday naqodtaa xeray geenyahu ku dhaxrooraan.
 — Geenyahee? — baa warsada Esteban.
 Anigu ma u yeelanin dhug fiican Esteban. Haddayto ee uu hadlaa, dhugaan u yeeshaa. Wuxuu gashan yahay jaakad ugu timaadta xundhurta, hoosta jaakaddana waxaa madaxa ka soo baxsada wax dooro u eg.
 Haahay, waa dooro guduudan tan uu Esteban ku sidtaa hoosta jaakadda. Waxaa lagu arkaa indhaha oo u daboolan iyo afka oo u furan sidii iyadoo hamaansanaysay. Aniga waxaan warsadaa:
 — War hooy, Teban, halkee ka soo dhacsadtay dooradaa?
 — Waa tayda! — buu yiraa.                                                                                                    
 — Ma sidanin hortii. Halkee ka soo gadadtay, yaa?
 — Ma soo gadanin ee dooradayda waaye.
 — Marka, jidmar-ahaan baad u soo kaxaysadtay, miyaa?
 — Maya, waxaan u soo kaxaystaa inaan ilaalsado. Gurigayga waa ka cidla’ naqoday qof siin lehaa cuno; dartaa baan u soo kaxaystay. Had iyo jeer ee aan meel fog u soo baxaa waan soo xanbaarsadaa.
 — Halkaa intay kuugu qarsan tahay neeftaa ku dhagi doonta. Kaaga fiican inaad u soo baxisaa hawada. Wuxuu ku hoosnabaa gacantiisa oo kula afuufaa neefta kulul ee afkiisa. Deedtuu yiraa:
 — Waxaynu soo gaarnay dhaadhaca.
 Anigu maba sii maqli wuxuu sii leeyahay Esteban. Waxaynu galnay saf si aynu uga dagnaa dagaandagga, isagaana ugu horeeya. Waxaa lagu arkaa isagoo ka qabsaday doorada lugaha oo hor iyo dib ugu ruxaya goorba si uu madaxa ugaga dhufanin dhagxaha.
 Intaynu sii dagnaa, caradu waa sii fiicnaadtaa. Wuxuu boorku nooga soo kacaa cagaha sidii waxa ka sii daadagayay halkaa oo ahaa geedi dameero ah; laakiin waynu ka helnaa in boorku nagu dadmaa. Waynu ka helnaa. Kadib ku soo cagayntayna kaw iyo toban saac cag-adaygga banka, waxaynu ka dareennaa raaxo inagoo ku dhaxduuban waxa naga dulrablaya ee dhadhan dhul ah leh.
 Wabiga korkiisa, dusha baararka cagaaran ee geedaha casuarinas, waxaa duula xayn midab cagaaran ee chachalacas. Taana waa waxaynu ka helnaa.
 Haddayto cida ayaha waa laga maqlaa halkan, agtayada, waa dabaysha ee ka timaadta tuuladaa kula soo bafsiisa dagta oo ku wada fidisa qayladooda dhan.
 Esteban dibuu xabadka ugu nabaa doorada kalkaynu soo gaarnaa guryaha ugu soo horeeya. Farahiisuu ka furfuraa lugahayda si uu uga kabuub baxiyaa, dabadaydna isaga iyo dooradiisa waxay ku libraan gadaasha ee geedaha tepemezquites.
 — Halkanaan bari dhigtaa anigu! — buu nagu yiraa Esteban.
 Inagu waxaan u sii saconaa hore, gudaha dhaxe ee tuulada.
 Dhulkay na siiyayn waa korka halkaa.
 
W.Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid
W.Qoray: Juan Nepomuceno Carlos Pérez Rulfo viscaíno
 
Nos han dado la tierra
Después de tantas horas de caminar sin encontrar ni una sombra de árbol, ni una semilla de árbol, ni una raíz de nada, se oye el ladrar de los perros.
 Uno ha creído a veces, en medio de este camino sin orillas, que nada habría después; que no se podría encontrar nada al otro lado, al final de esta llanura rajada de grietas y de arroyos secos. Pero sí, hay algo. Hay un pueblo. Se oye que ladran los perros y se siente en el aire el olor del humo, y se saborea ese olor de la gente como si fuera una esperanza.
 Pero el pueblo está todavía muy allá. Es el viento el que lo acerca.
 Hemos venido caminando desde el amanecer. Ahorita son algo así como las cuatro de la tarde. Alguien se asoma al cielo, estira los ojos hacia donde está colgado el sol y dice:
 —Son como las cuatro de la tarde.
 Ese alguien es Melitón. Junto con él, vamos Faustino, Esteban y yo. Somos cuatro. Yo los cuento: dos adelante, otros dos atrás. Miro más atrás y no veo a nadie. Entonces me digo: «Somos cuatro.» Hace rato, como a eso de las once, éramos veintitantos; pero puñito a puñito se han ido desperdigando hasta quedar nada más este nudo que somos nosotros.
 Faustino dice:
 —Puede que llueva.
 Todos levantamos la cara y miramos una nube negra y pesada que pasa por encima de nuestras cabezas. Y pensamos: «Puede que sí.»
 No decimos lo que pensamos. Hace ya tiempo que se nos acabaron las ganas de hablar. Se nos acabaron con el calor. Uno platicaría muy a gusto en otra parte, pero aquí cuesta trabajo. Uno platica aquí y las palabras se calientan en la boca con el calor de afuera, y se le resecan a uno en la lengua hasta que acaban con el resuello. Aquí así son las cosas. Por eso a nadie le da por platicar.
 Cae una gota de agua, grande, gorda, haciendo un agujero en la tierra y dejando una plasta como la de un salivazo. Cae sola. Nosotros esperamos a que sigan cayendo más y las buscamos con los ojos. Pero no hay ninguna más. No llueve. Ahora si se mira el cielo se ve a la nube aguacera corriéndose muy lejos, a toda prisa. El viento que viene del pueblo se le arrima empujándola contra las sombras azules de los cerros. Y a la gota caída por equivocación se la come la tierra y la desaparece en su sed.
 ¿Quién diablos haría este llano tan grande? ¿Para qué sirve, eh?
 Hemos vuelto a caminar, nos habíamos detenido para ver llover. No llovió. Ahora volvemos a caminar. Y a mí se me ocurre que hemos caminado más de lo que llevamos andando. Se me ocurre eso. De haber llovido quizá se me ocurrieran otras cosas. Con todo, yo sé que desde que yo era muchacho, no vi llover nunca sobre el llano, lo que se llama llover.
 No, el llano no es cosa que sirva. No hay ni conejos ni pájaros. No hay nada. A no ser unos cuantos huizaches trespeleques y una que otra manchita de zacate con las hojas enroscadas; a no ser eso, no hay nada.
 Y por aquí vamos nosotros. Los cuatro a pie. Antes andábamos a caballo y traíamos terciada una carabina. Ahora no traemos ni siquiera la carabina.
 Yo siempre he pensado que en eso de quitarnos la carabina hicieron bien. Por acá resulta peligroso andar armado. Lo matan a uno sin avisarle, viéndolo a toda hora con «la 30» amarrada a las correas. Pero los caballos son otro asunto. De venir a caballo ya hubiéramos probado el agua verde del río, y paseado nuestros estómagos por las calles del pueblo para que se les bajara la comida. Ya lo hubiéramos hecho de tener todos aquellos caballos que teníamos. Pero también nos quitaron los caballos junto con la carabina.
 Vuelvo hacia todos lados y miro el llano. Tanta y tamaña tierra para nada. Se le resbalan a uno los ojos al no encontrar cosa que los detenga. Sólo unas cuantas lagartijas salen a asomar la cabeza por encima de sus agujeros, y luego que sienten la tatema del sol corren a esconderse en la sombrita de una piedra. Pero nosotros, cuando tengamos que trabajar aquí, ¿qué haremos para enfriarnos del sol, eh? Porque a nosotros nos dieron esta costra de tepetate para que la sembráramos. Nos dijeron:
 —Del pueblo para acá es de ustedes. Nosotros preguntamos:
 — ¿El Llano?
 —Sí, el llano. Todo el Llano Grande.
 Nosotros paramos la jeta para decir que el llano no lo queríamos. Que queríamos lo que estaba junto al río. Del río para allá, por las vegas, donde están esos árboles llamados casuarinas y las paraneras y la tierra buena. No este duro pellejo de vaca que se llama el Llano.
 Pero no nos dejaron decir nuestras cosas. El delegado no venía a conversar con nosotros. Nos puso los papeles en la mano y nos dijo:
 —No se vayan a asustar por tener tanto terreno para ustedes solos.
 —Es que el llano, señor delegado…
 —Son miles y miles de yuntas.
 —Pero no hay agua. Ni siquiera para hacer un buche hay agua.
 — ¿Y el temporal? Nadie les dijo que se les iba a dotar con tierras de riego. En cuanto allí llueva, se levantará el maíz como si lo estiraran.
 —Pero, señor delegado, la tierra está deslavada, dura. No creemos que el arado se entierre en esa como cantera que es la tierra del Llano. Habría que hacer agujeros con el azadón para sembrar la semilla y ni aun así es positivo que nazca nada; ni maíz ni nada nacerá.
 —Eso manifiéstenlo por escrito. Y ahora váyanse. Es al latifundio al que tienen que atacar, no al Gobierno que les da la tierra.
 —Espérenos usted, señor delegado. Nosotros no hemos dicho nada contra el Centro. Todo es contra el Llano… No se puede contra lo que no se puede. Eso es lo que hemos dicho… Espérenos usted para explicarle. Mire, vamos a comenzar por donde íbamos…
 Pero él no nos quiso oír.
 Así nos han dado esta tierra. Y en este comal acalorado quieren que sembremos semillas de algo, para ver si algo retoña y se levanta. Pero nada se levantará de aquí. Ni zopilotes. Uno los ve allá cada y cuando, muy arriba, volando a la carrera; tratando de salir lo más pronto posible de este blanco terregal endurecido, donde nada se mueve y por donde uno camina como reculando. Melitón dice:
 —Ésta es la tierra que nos han dado. Faustino dice:
 — ¿Qué?
 Yo no digo nada. Yo pienso: «Melitón no tiene la cabeza en su lugar ha de ser el calor el que lo hace hablar así. El calor que le ha traspasado el sombrero y le ha calentado la cabeza. Y si no, ¿por qué dice lo que dice? ¿Cuál tierra nos han dado, Melitón? Aquí no hay ni la tantita que necesitaría el viento para jugar a los remolinos.»
 Melitón vuelve a decir:
 —Servirá de algo. Servirá aunque sea para correr yeguas.
 — ¿Cuáles yeguas? —le pregunta Esteban.
 Yo no me había fijado bien a bien en Esteban. Ahora que habla, me fijo en él. Lleva puesto un gabán que le llega al ombligo, y debajo del gabán saca la cabeza algo así como una gallina.
 Sí, es una gallina colorada la que lleva Esteban debajo del gabán. Se le ven los ojos dormidos y el pico abierto como si bostezara. Yo le pregunto:
 —Oye, Teban, ¿de dónde pepenaste esa gallina?
 — ¡Es la mía! —dice él.
 —No la traías antes. ¿Dónde la mercaste, eh?
 —No la merqué, es la gallina de mi corral.
 —Entonces te la trajiste de bastimento, ¿no?
 —No, la traigo para cuidarla. Mi casa se quedó sola y sin nadie para que le diera de comer; por eso me la traje. Siempre que salgo lejos cargo con ella.
 —Allí escondida se te va a ahogar. Mejor sácala al aire. Él se la acomoda debajo del brazo y le sopla el aire caliente de su boca. Luego dice:
 —Estamos llegando al derrumbadero.
 Yo ya no oigo lo que sigue diciendo Esteban. Nos hemos puesto en fila para bajar la barranca y él va mero adelante. Se ve que ha agarrado a la gallina por las patas y la zangolotea a cada rato, para no golpearle la cabeza contra las piedras.
 Conforme bajamos, la tierra se hace buena. Sube polvo desde nosotros como si fuera un atajo de mulas lo que bajara por allí; pero nos gusta llenarnos de polvo. Nos gusta. Después de venir durante once horas pisando la dureza del llano, nos sentimos muy a gusto envueltos en aquella cosa que brinca sobre nosotros y sabe a tierra.
 Por encima del río, sobre las copas verdes de las casuarinas, vuelan parvadas de chachalacas verdes. Eso también es lo que nos gusta.
 Ahora los ladridos de los perros se oyen aquí, junto a nosotros, y es que el viento que viene del pueblo retacha en la barranca y la llena de todos sus ruidos.
 Esteban ha vuelto a abrazar su gallina cuando nos acercamos a las primeras casas. Le desata las patas para desentumecerla, y luego él y su gallina desaparecen detrás de unos tepemezquites.
 — ¡Por aquí arriendo yo! —nos dice Esteban.
 Nosotros seguimos adelante, más adentro del pueblo.
 La tierra que nos han dado está allá arriba.


 
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...