domingo, 1 de septiembre de 2013

Hammi



Abaarada


Xalay waxaa isniintii i helay toban umuuroodee:

Asal gama’na ways iri haddana uurka kama aan seexan
indhahana kalama qaadi hayn aragna way muuqday
afka kama dhawaaqi hayn haddana aamus ma aan yeelan
ogaan uma qosli hayn oo haddana ilagyaday muuqday;
aradkana dad kuma wahashan hayn ururna waan joogay
albaabada, dushaasaan jiray aqalna waan jiifay;
istanbuuli cadar layma marin udugna way daaray.

Oon baa i dilay oo biyaan ku ag wareegi hayay.
Onkod iyo hilaac roobna waa nagu itaaleeyay
ufona dhibicba may wadin haddana awdahuu luli hayay
awaari ma nabin oo haddana wuu anfacay kaynta.

Anfariir xaluun baan hurdada oog la soo kacayee
ilankaan talaabada ku waday waan abaari hayee;
meeshaan abaarada ku tago aakhir bal aan dhawro.

Raage Ugaas Warfaa.

 

Istanbuuli cadar: Cadar Istanbuuliya
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...