lunes, 17 de noviembre de 2014

Meel Qoraxan 日向



Sheekooyinka Calaacasha (小説 Tenohira no shōsetsu) waa magacuu siiyay Kawabata Yasunari (川端康成) sheekooyin gaabgaaban ee uu soo qorayay tan iyo 20aadkii ilaa iyo 1972kii kalkuu geeriyawday, isagoo magacsiintaas dulucda sheekada kula beegayay dhumucda sacabka. Meel qoraxan (日向 Hinata), oo ka mida kuwii horaantii iyo kuwa siiradiisa ka soo burqaday, ayaa wuxuu qoray 1923kii.



Dayrtii labaatan iyo afar jirkayga, waxaan gabar ku bartay albergo xeebta badda saaran. Waxay ahayd caashaq bilawgiisii.

Gabartu kadisba bay madaxaydii kor ugu qaaday ooy darafka kimono ee gacmeed foolkaydii ku dabooshay. Aragtida dhaqmaadkan baan isku iri: waa inaan soo bandhigay caadadaydii xumayd. Waan isku xishawday oon waji xanuun ka muuqda yeeshay.

Waan kugu dhaykakay, mayaa?
Haa, laakiin waxba ma ahaanin.

Codkaydu wuu macaanaa, erayadayduna farxaanaa. Waan ku naf dagay.

Way ku dhibtaa, saw ma aho?
Maya, runtii, iska caadi waaye.

Hoos bay gacanta u dajisay. Suuradda foolkayda wuxuu soo saarayay dadaalkay suubinaysay si ay daymaday u qaabisho. Waan jeestay ooy dhanka badda daymadaydu ku dhacday.

In badan baan lehaa caadada ku dhaykagga dadka i dhan fariista. In badan waan ku fikiray inaan caadadan iska daweeyo, ha yeeshee waan ku jirraban jiray haddaananin ku dhaykakin dadka i dhan joogay. Waan is naci jiray jeer kastoon tawdawbi jiray inaan suubinayay. Mindhaa caadadan waxay ka timaaday inaan amin badan ku baxin jiray aqrinta foolalka dadka kale, jeerba haddaan waalid iyo hoy beelay intaan caruur ahaa oon bilaabay inaan dadka kale la noolaado. Mindhaa taas waaye sababtaan sidan ugu soo baxay, baan ku fikiray.

Jeer baan isku dayay inaan kala cadeeyo haddaan caadadan yeeshay kadib goortay dadka kale i qaadtayn ama haddaan horayba u lehaa, intaan hoygaygii joogay. Ha yeeshee waan heli waayay xusuus taas ii kala cadaysa.

Siba ha naqodtee, anoo indhaha gabarta ka jeedinayay baan meel qoraxan ee xeebta ku taal arkay ooy qoraxdii dayrtu ku maquuran tahay. Meeshaas qoraxan waxay u yeeraysay xusuus in badan duugnayd.

Kadib geerida waalidkay, guri ku yiil tuulooyinka baan kaligay kula noolaa awawgay in ku dhaw toban sano. Indhoole buu ahaa awawgay. Sanooyin badan awawgay wuxuu iska fadhiyi jiray isla qolkii, isla kobtii, isoo dhanka bari ugu wajahan girgire dhuxuleed. Goor ka goor wuxuu madaxiisa u jeedin jiray dhanka koonfurta, laakiin goornaba dhanka waqooyiga. Goortaan ka warhelay caadada awawgay ee u jeesashada hal dhinac, aad baa walwal iigu dhacay. Mararka qaarkawda isaga in badan baan hor fariisan jiray anoo foolkiisa ku dhaykagayay, oo is waydiinayay hadduu u jeesan lehaa dhanka waqooyi jeer qura. Ha yeeshee awawgay wuxuu madaxa ugu jeedin jiray dhanka midigta shantii daqiiqoba sidii boombolo makaanik ah, isoo dayayay dhanka koonfurta qura. Taas waxay igu dhalinaysay dareenxumo. Waxay iila ekayd cajiib. Bal dhanka koonfurtu meel qoraxan bay ahayd; waxaan is waydiinayay xataa qof indhoole ah hadday koonfurtu la yare sii iftiinsanayd.

Haddatan oon dayayaa xeebta, waxaan soo garwaaqsaday meeshii kale ee qoraxan een ilawbay.

Ayyaamahaas, foolka awawgay baan dhaykaki jiray, anoo doonayay inuu u wajaho waqooyiga. Maadaama uu ahaa indhoole, in badanba waan ku dhaykaki jiray. Taas waxay naqodtay caadadaydii ee jeedaalinta foolalka dadka kale, waan ogaaday hadda. Haddaba caadadaydatan waxay ila soo jirtay ilaa iyo intii gurigaygii awawga. Mayanin ka soo burqanin wacaalo dulli ah. Waxaan amaan ku naqon karay isu arxamidda ee inaan caadadan qabo. Maladan waxay igu dhalisay rabitaanka inaan raynrayn la boodo – siiba waayo waxaa qalbigay qabtay rabitaanka inaan isu dahaariyo gabarta awgayda.

Gabartu way hadashay goor kale:

Waan u bartay, inkastoon wali ka yaxyaxo xoogaa.

Waxay Erayadaydaas ka dulmarayayn inaan iyada daymadaydii u jeedin karay goor kale. Waa qasab inay u malaysay inaan adabdaro kula dhaqmay hadaayo.

Foolkayga oo ifan baan eegay. Way guduudadtay ooy ilxadid igu dhugadtay.

Foolkaygu wuu iska sii cusayb beeli doonaa har iyo habeenba. Marka, arintan may i walwaliso. –  Si caruurnimo bay ugu dhawaaqday.

Waan muusawbay. Waxaan dareemay sidii xiriirkayna oo wax diiranaan ah si kadisba loogu daray. Waxaan rabay inaan u kaco meesha qoraxan ee xeebta, anoo sidtay xusuusta gabarta iyo awawgay.

Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid

Sheekada oo ingiriis ah (A sunny place):

Sheekooyinka Calaacasha oo carabi ah (قصص بحجم راحة اليد - ياسوناري كاواباتا):

jueves, 13 de noviembre de 2014

Labo qalbi Labo qiso


(Alejandro Fernandez:)
Iyagoo ku dhaxjira dirir
dhamaanba raba,
baa mid hadlayaa,
inta kan dhagaysanayana uu ka joogsan oohin
wajigiisoo ku taal murug jacayliyo xanuun
buu kaga warhelaa isla markaaba
inuu kii kale ershay.

(Julio Iglesias:)
Kii wada beelay dhamaan
oo ka banaan taagan
baa ku urursada sanduuqiisa
dharkoo la kaawiyidayn.
Qalbigiisa danqan
baa xoog u dikaama;
inta kan ku dareen lida
uu waxba la dikaamin nasiibkiisa.

(Labaduba:)
Iyagoona kala fog
oo kala raadsada dad kale,
labo qalbi jaboo labo duni kala yaal,
Bay ka warhelaan nolal kale
Bay ka warhelaan waxyaalo kale
ooy soo bilaabaan mar kale;
labo qalbi, labo qiso.

(Julio Iglesias:)
Kii rabay inuu xurroobo
kii yeelay siduu doono
kii aan dareemin wixii kan kale dareemayay
isagoo kula dhaxmeermeeraya dariiqyada
wareeriyo kalinimo
baa is arka
inuu wada beelay dhamaan.

(Alejandro Fernandez:)
Waxyaalaha yaryaroo
uu waligiisa macne siinin
baa ka cuncuna madaxa
oo dareensiiya maqnaantiisa
oo hadduu jabkiisa –
waatuu ku guuldaraystay sharadka –
kula warhelaa in nolashu
ka jarsanayso.

(Labaduba:)
Iyagoona kala fog
oo kala raadsada dad kale
labo qalbi jaboo labo duni kala yaal
bay ka warhelaan nolal kale
bay ka warhelaan waxyaalo kale
ooy soo bilaabaan mar kale;
labo qalbi, labo qiso.

Iyagoona kala fog
oo kala raadsada dad kale
labo qalbi jaboo labo duni kala yaal
bay ka warhelaan dad kale
bay ka warhelaan waxyaalo kale
ooy soo bilaabaan mar kale;
labo qalbi, labo qiso.

Ooy soo bilaabaan mar kale.


Dos Corazones Dos Historias (con Julio Iglesias)

(Alejandro Fernández:)
En medio de una riña
Ya casi al terminar
Uno habla y el que escucha no para de llorar
Y en su mirada triste de desamor y pena
Descubre de repente
Que el otro lo destierra

(Julio Iglesias:)
Quien lo ha perdido todo
Ya fuera de lugar
Arruma en su maleta
La ropa sin planchar
Su corazón herido
Empieza a latir fuerte
Mientras que el otro ajeno
Ni late por su suerte

(Los dos juntos:)
Y lejos uno de otro
En busca de otras gentes
Dos corazones rotos en mundos diferentes
Descubren otra vida
Descubren otras cosas
Y empiezan otra vez
Dos corazones dos historias

(Julio Iglesias:)
Quien quiso ser más libre
El que jugo a su modo
Aquel que no sentía lo que sentía el otro
Vagando por las calles
Entre aturdido y solo
Comienza a darse cuenta
Que lo ha perdido todo

(Alejandro Fernández:)
Y aquellas cosas simples
Que nunca dio importancia
Le comen la cabeza
Le empiezan a hacer falta
Y ahora en su derrota
Porque perdió la apuesta
Descubre que la vida
Le está pasando cuentas

(Los dos juntos:)
Y lejos uno de otro
En busca de otras gentes
Dos corazones rotos en mundos diferentes
Descubren otra vida
Descubren otras cosas
Y empiezan otra vez
Dos corazones dos historias

Y lejos uno de otro
En busca de otras gentes
Dos corazones rotos en mundos diferentes
Descubren otra vida
Descubren otras cosas
Y empiezan otra vez
Dos corazones dos historias


Y empiezan otra vez.

miércoles, 12 de noviembre de 2014

Shinbiryahaw




Shinbiryahaw
Ma duushaa
Ma dabayla raacdaa
Dadka maw adeegtaa
Oo maw dadaashaa.

Dalanbaabi baan ahay
Daal la dhacaayee

Kala qaad dibnaha oo
Dal yaqaan maad tahayoo
Dagmadii fogaatiyo

Meeshii laguu diroo
Dawgayd ma garataa

Shinbiryahaw dawaafee
Ku dul joogaa laantoo
Aan kuu dan sheegtoo
Dood kuu lahaadee

Ruuxaan ku daaloo
Laydiindan yahayoo
Anna aanan daynayn
Yaan doonayaayoo
Dawadaydu noqotee

Ma ii diirnaxdaayoo
Diil may galaysaa

Gudcur dam ahee
Habeen dumay
Haysu taag duleedkoo
Dabadayd u yeeroo
Qunyar daadahiyoo
Meel durugsan geeyoo
Deeqsii warkaygoo
Soo saar dushaadoo
Badda soo dabaaloo
Soo maax daruurtoo

Haashu hay dilaacdee
Soo dago agtaydaa

(Codkii: Xaliimo Khaliif Magool)

domingo, 12 de octubre de 2014

Maalin ee Maalmahan


Waxaa Gabriel García Márquez, qoreha kolombiga ah, u daabacay  Maalin ee Maalmahan majalladda El Atlántico 1959kii kahor intayanin naqonin sheekada labaad ee ururis sideed sheeko ah 1962kii, oo loogu magac daray sheekada ugu danbaysa ururiska Los Funerales de La Mama Grande (Janaasadii Mama Grande), sidaasna uga mid naqodtay El Boom Latinoamericano oo ah ifafaale soogaaneed ee soo jiitamayay ilaa iyo afartanaadkii oo gaaray xiligiisa dahabka ahi lixdanaadkii iyo todabaadanaadkii ee qarnigii tagay, iyo madbacado soogaaneed ee u suurtagaliyay qoreyaasha dhalinyarada ahi ee ameerikada laatiinka inay soo shaacbaxaan, tarjamidda iyo ku daabacidda hawlahawda yurub iyo waqooyiga ameerikada awgawda.
Siday uga caddahay cinwaanka, Maalin ee Maalmahan waa xaalad tusaalaysa waxa banii-aadamku yahay, inuu u madax yahay duni uunanin wax ku lehaynin xeerkayda dabiiciga ah ee abuuray, sida labada shakhsi ee sheekada: Duqa magaalo iyo dabiibka kaliya, ee aananin aqoon dhaba lehaynin, ee ka jira xukuntooyadiisa xukunka daran; oo kala matala awood kala bar ah, oo gacan iyo aqoon kala ah, oo isaga xiran adeegga midka hore uga baahan yahay kan kale ee ka doona inuu ka badbaado xukunkiisa. Waa xaalad garwaaqsiisa xadka iyo ciribdanbeedka awoodda banii-aadamka, xoog ama aqoon ha naqodtee.



Isniinta waxay ku soo waabariday diiranaan iyo roob la’aan. Don Aurelio Escovar, dabiib shahaado aan lehin ee ilkaha oo arooryahan ah, baa furay xafiiskiisa lixdii. Waxuu ka soo saaray kabadhka dhalada ah ilko beenaad ah oo wali ku rakiban kabayga jeessada ah, waxuuna kor saaray miiska xantoobo qalab ah ee uu u kala taxay kala waynaan, sidii ayaga oo yiil carwo. Waxuu sidtay shaati dildilo leh, kulleeti maran, oo surka ugu xiran guluus dahabi ah, surwaalkana waxaa kor u hayay suungarab laastiko ah. Waxuu ahaa lig iyo wayd, oo lehaa daymo dhif ugu aadan xaaladda, sidii daymadii dhagooleyaasha.
Markuu alaabta wada dhigtay miiska korkiisa buu u soo durukshay loolibka shiidka dhanka kursiga gariirada leh oo u fariistay inuu safeeyo ilkaha beenaadka ah. Waxuu u muuqday inuu ka fikiraynin waxa uu qabanayay, waxuuse kula qabanayay hal-adkaan, oo ka badelaynayay loolibka shiidka xataa markuu adeegsanaynin.
Sideeddii kabacdi buu ka hakaday si uu dariishada uga dayo cirka oo arkay labo gorgor fikirsan oo ku qoraxaysanayay saqafka dariska. Waxuu ku sii hawlgalay fikradda inuu harimada kahor roobku dib u soo da’i doono. Codka fiiqan ee wiilkiisa kaw iyo toban jirka ah baa ka soo toosshay iska baxsanaantiisa.
-Aabe.
-Waa maxay.
-Duqa magaaladaa waydiiya haddaad gaws ka soo siibi kartid.
-Ku dhah ma joogi halkan.
Waxuu safaynayay ilig dahab ah. Waxuu u qaaday inta dhudhunka gacantiisu tahay oo ku baaray indhaha oo bar xiran. Qolka yar ee sugitaanka waxaa dib uga soo qaylshay wiilkiisa.
-Waxuu dhahaa haa waad joogtaa waayo wuu ku maqlayaa.
Dabiibkii waxuu sii wadtay baaridda iliggii. Kaliya markuu kor saaray miiska oo hawlahii dhamaystiray, buu dhahay:
-Kaba sii fiican.
Waxuu mar kale hawlgalshay loolibka shiidka. Baako uu ku hayn jiray waxyaabaha hawlgalin u baahan buu ka soo saartay xabbado kala jaad ah ee ilko beenaad ah oo isku kabkaban, waxuuna bilaabay inuu safeeyo midda dahabka ah.
-Aabe.
-Waa maxay.
Wali muu iska baddalin mawqifkiisa.
-Wuxuu dhahaa haddaad ka siibaynin gawska wuxuu kugu dhufan doonaa xabbad.
Asaga oo isdadajinin, oo u dhaqaaqa si aad iyo aad u xasilan, buu joogshay badelaynta loolibka shiidka dibna u durukshay, oo wada furay khaanadda hoose ee miiska. Halkaas bay tiil bistooladda lixleha.
-Hagaag –buu dhahay-. Ku dhah inuu yimaado oo igu dhufto.
Waxuu wareegshay kursiga ilaa uu ka soo horjeedsaday ilinka, gacanta oo u saaran jarka khaanaddii. Duqii magaalada waxuu isa soo taagay xatabadda. Waxuu soo xiirtay daanka bidix, laakiin kii kale, oo barar iyo xanuun leh, baa waxuu lehaa gar ee shan maalmood. Dabiibka waxuu ka arkay indhahiisa dhadan habeeno badan quusasho leh. Waxuu ku xiray khaanaddii faraha qarkawda oo si nugul u dhahay:
-Soo fariiso.
-Subax wanaagsan –buu dhahay duqii magaalada.
-Wanaagsan –buu dhahay dabiibkii.
Intay karkarayayn qalabyadii, duqa magaalada waxuu ku tiirsaday lafmadaxdiisa madaxa kursiga oo ka dareemay fiicnaan. Waxuu neefsanayay ur barafaw ah. Waxuu ahaa xafiis saboolan: kursi alwaaxeed oo gabaw ah, loolibka shiidka ee badelka, kabadh dhalo ah ay ku jiraan quraarado faakhuurad ah. Horta kursiga, dariishad ku daahan maro nin dherar le’eg. Markuu toodawbay inuu dabiibka xaggiisa u soo dhawaanayay, buu sii xoogshay ciribyada oo kala sii furay afka.
Don Aurelio Escovar waxuu wajiga ugu leexshay iftiinka. Kadib indho-indhaynta gawska waxyeelan, baa waxuu faraha kula dhuujshay daanka cadaadis dhawran.
-Waa inay naqodtaa suuxin la’aan –buu dhahay.
-Waayo?
-Waayo waxuu leeyahay goosadto.
Duqa magaalada dabiibkii waxuu ka eegay indhaha.
-Waa yahay –buu dhahay, oo isku dayay inuu dhoolocadeeyo. Dabiibkii muu u soo celinin. Waxuu u qaaday miiska shaqada baaquli ay ku jiraan qalabyadii oo karkarsan oo kaga soo saaray biyaha kalbad qabawsan, wali asaga oo isdadajinin. Kadib waxuu ku riixay cirifta kabta weelka candhuufta oo u dhaqaaqay inuu gacmaha kaga soo mayrto kuusadda faroxalka. Waxuu gabi u qabtay asaga oo dayin duqa magaalada. Laakiin duqii magaalada asaga muu ka qaadin daymada.
Waxuu ahaa gawsdanbeedka hoose. Dabiibkii waxuu kala fidshay lugaha oo kula xajshay kabaddii oo kulul gawskii. Duqa magaalada waxuu ku dhagay gacmaha kursiga, waxuu saaray xooggiisa dhan cagaha oo ka dareemay faaruq qabawsan kilyaha, laakiin muu soo saarin juuq. Dabiibkii waxuu dhaqaaqshay qura curcurka. Si xinif la’, bal sise xumaan jilicsan buu la dhahay:
-Intaad noogu gudaa labaatan mayd, laboxidigle.
Duqa magaalada waxuu ka dareemay qac lafaha daanka, indhahiisana waxaa ka soo buuxsamay ilmo. Laakiin muu soo neefbaxinin ilaa uu dareemay inuu gawska ka soo baxay. Danbeeto buu ka dhax arkay ilmahiisa. Intuu la yaab la naqoday xanuunkiisa, buu garan kari waayay cadaabka ee shantiisa habeen hore. Asaga oo ku foorarsan weelka candhuufta, oo dhididayo, oo neeftuurayo, buu iska furfuray koorka militariga oo ka goobgoobay fasaleetigiisa jaybka surwaalkiisa. Dabiibkii baa siiyay good nadiif ah.
-Iska qalali ilmaha –buu dhahay.
Duqii magaalada wuu iska qalalshay. Wuu gargariirayay. Intuu dabiibkii iska mayrinayay gacmaha, baa waxuu arkay safiitada buqbuqsan iyo saabcaaro boor leh ee ay ku jiraan ugax caaro iyo cayayaan dhintay. Dabiibkii wuu soo naqoday asaga oo iska qalajinaya gacmaha. “Jiifso –buu dhahay- ee ku luqluqo biyo cusbo leh.” Duqii magaalada wuu joogsaday, waxuu ku sagootshay salaan maran ee milatari ah, waxuuna abaaray iridda asaga oo kala baxinaya lugaha, oo aan xirxiranin koorkiisa.
-Waad ii soo diri xisaabta –buu dhahay.
-Isla adiga ama baladiyyadda?
Duqa magaalada muu eegin. Iridda buu xiray, oo ka soo dhahay dhanka kale ee shabakadda birta ah.
-Waa uun wada waxii.


Tarjamay: Samantar Maxammad Saciid


UN DÍA DE ÉSTOS

         EL LUNES AMANECIÓ tibio y sin lluvia. Don Aurelio Escovar, dentista sin título y buen madrugador, abrió su gabinete a las seis. Sacó de la vidriera una dentadura postiza montada aún en el molde de yeso y puso sobre la mesa un puñado de instrumentos que ordenó de mayor a menor, como en una exposición. Llevaba una camisa a rayas, sin cuello, cerrada arriba con un botón dorado, y los pantalones sostenidos con cargadores elásticos. Era rígido, enjuto, con una mirada que raras veces correspondía a la situación, como la mirada de los sordos.
         Cuando tuvo las cosas dispuestas sobre la mesa rodó la fresa hacia el sillón de resortes y se sentó a pulir la dentadura postiza. Parecía no pensar en lo que hacía, pero trabajaba con obstinación, pedaleando en la fresa incluso cuando no se servía de ella.
         Después de la ocho hizo una pausa para mirar el cielo por la ventana y vio dos gallinazos pensativos que se secaban al sol en el caballete de la casa vecina. Siguió trabajando con la idea de que antes del almuerzo volvería a llover. La voz destemplada de su hijo de once años lo sacó de su abstracción.
         —Papá.
         —Qué
         —Dice el alcalde que si le sacas una muela.
         —Dile que no estoy aquí.
         Estaba puliendo un diente de oro. Lo retiró a la distancia del brazo y lo examinó con los ojos a medio cerrar. En la salita de espera volvió a gritar su hijo.
         —Dice que sí estás porque te está oyendo.
         El dentista siguió examinando el diente. Sólo cuando lo puso en la mesa con los trabajos terminados, dijo:
         —Mejor.
         Volvió a operar la fresa. De una cajita de cartón donde guardaba las cosas por hacer, sacó un puente de varias piezas y empezó a pulir el oro.
         —Papá.
         —Qué.
         Aún no había cambiado de expresión.
         —Dice que si no le sacas la muela te pega un tiro.
         Sin apresurarse, con un movimiento extremadamente tranquilo, dejó de pedalear en la fresa, la retiró del sillón y abrió por completo la gaveta inferior de la mesa. Allí estaba el revólver.
         —Bueno —dijo—. Dile que venga a pegármelo.
         Hizo girar el sillón hasta quedar de frente a la puerta, la mano apoyada en el borde de la gaveta. El alcalde apareció en el umbral. Se había afeitado la mejilla izquierda, pero en la otra, hinchada y dolorida, tenía una barba de cinco días. El dentista vio en sus ojos marchitos muchas noches de desesperación. Cerró la gaveta con la punta de los dedos y dijo suavemente:
         —Siéntese.
         —Buenos días —dijo el alcalde.
         —Buenos —dijo el dentista.
         Mientras hervían los instrumentos, el alcalde apoyó el cráneo en el cabezal de la silla y se sintió mejor. Respiraba un olor glacial. Era un gabinete pobre: una vieja silla de madera, la fresa de pedal, y una vidriera con pomos de loza. Frente a la silla, una ventana con un cancel de tela hasta la altura de un hombre. Cuando sintió que el dentista se acercaba, el alcalde afirmó los talones y abrió la boca.
         Don Aurelio Escovar le movió la cabeza hacia la luz. Después de observar la muela dañada, ajustó la mandíbula con una presión cautelosa de los dedos.
         —Tiene que ser sin anestesia —dijo.
         —¿Por qué?
         —Porque tiene un absceso.
         El alcalde lo miró en los ojos.
         —Esta bien —dijo, y trató de sonreír. El dentista no le correspondió. Llevó a la mesa de trabajo la cacerola con los instrumentos hervidos y los sacó del agua con unas pinzas frías, todavía sin apresurarse. Después rodó la escupidera con la punta del zapato y fue a lavarse las manos en el aguamanil. Hizo todo sin mirar al alcalde. Pero el alcalde no lo perdió de vista.
         Era una cordal inferior. El dentista abrió las piernas y apretó la muela con el gatillo caliente. El alcalde se aferró a las barras de la silla, descargó toda su fuerza en los pies y sintió un vacío helado en los riñones, pero no soltó un suspiro. El dentista sólo movió la muñeca. Sin rencor, más bien con una marga ternura, dijo:
         —Aquí nos paga veinte muertos, teniente.
         El alcalde sintió un crujido de huesos en la mandíbula y sus ojos se llenaron de lágrimas. Pero no suspiró hasta que no sintió salir la muela. Entonces la vio a través de las lágrimas. Le pareció tan extraña a su dolor, que no pudo entender la tortura de sus cinco noches anteriores. Inclinado sobre la escupidera, sudoroso, jadeante, se desabotonó la guerrera y buscó a tientas el pañuelo en el bolsillo del pantalón. El dentista le dio un trapo limpio.
         —Séquese las lágrimas —dijo.
         El alcalde lo hizo. Estaba temblando. Mientras el dentista se lavaba las manos, vio el cielorraso desfondado y una telaraña polvorienta con huevos de araña e insectos muertos. El dentista regresó secándose. "Acuéstese —dijo— y haga buches de agua de sal." El alcalde se puso de pie, se despidió con un displicente saludo militar, y se dirigió a la puerta estirando las piernas, sin abotonarse la guerrera.
         —Me pasa la cuenta -dijo.
         —¿A usted o al municipio?
         El alcalde no lo miró. Cerró la puerta, y dijo, a través de la red metálica:

         —Es la misma vaina.
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...