miércoles, 12 de noviembre de 2014

Shinbiryahaw




Shinbiryahaw
Ma duushaa
Ma dabayla raacdaa
Dadka maw adeegtaa
Oo maw dadaashaa.

Dalanbaabi baan ahay
Daal la dhacaayee

Kala qaad dibnaha oo
Dal yaqaan maad tahayoo
Dagmadii fogaatiyo

Meeshii laguu diroo
Dawgayd ma garataa

Shinbiryahaw dawaafee
Ku dul joogaa laantoo
Aan kuu dan sheegtoo
Dood kuu lahaadee

Ruuxaan ku daaloo
Laydiindan yahayoo
Anna aanan daynayn
Yaan doonayaayoo
Dawadaydu noqotee

Ma ii diirnaxdaayoo
Diil may galaysaa

Gudcur dam ahee
Habeen dumay
Haysu taag duleedkoo
Dabadayd u yeeroo
Qunyar daadahiyoo
Meel durugsan geeyoo
Deeqsii warkaygoo
Soo saar dushaadoo
Badda soo dabaaloo
Soo maax daruurtoo

Haashu hay dilaacdee
Soo dago agtaydaa

(Codkii: Xaliimo Khaliif Magool)
Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...