lunes, 20 de junio de 2016

Dhabta miyaan ku saaraa?


Waxaa wada qaaday Kinsi Xaaji Aadan iyo Saciid Mire Xaydar.





Dhiigiyo kalgacalkii

ee xididda dhamaystira

afka lagama dhawree,

ma ogtahay dharaarahan

markan dhaban u seexdaba

inaan kugu dhadhabayoo

dhabtayda kaa dayoo,

haddii aad dhab doon tahay

anba kuguma dhaafayn

hawlaha dhankaygee,

dhinacaaga ila qabo.


Walaw dhaylo aad tahay

ee haddana dhaqankiyo

dhaqashada ku wacan tahay,

dharaar aragti ma ogtahay

caashaqan wax dheerayn

dhado roob la moodo

dhalanteed inuu yahay

jacaylkii dhawaan gala

dhaxal lagama gaaree

horta dhab ma kaa yahay?

Waa inaan dhudhumiyaa.

….

Iminka dhudhumiyoo

miyaan soo dhawaadaa?

Awalba igama dheerayn,

dhabta miyaan ku saaraa?

Dhibtan kula nacayaa,

bal haddaba dhalaan sidii

dhabarkaaga igu qaad,

dhangad waan ka fududee.

….

Dhugmadiisu ruuxay

ee u dhantahay

ayuun buu dhibayaa

xishoodkuyee,

ma ogtahay dhiigayàw

dhamanaanka (dhabanaanka) awgaa

dhabeyaasha suuqyada

dhar la’aan inaan maroo,

haddii aad dhab doon tahay

anba kuguma dhaafayn

hawlaha dhankaygee

dhinacaaga ila qabo.

….

Qotan dheer qoyaaniyo

ee dhax qotama xareediyo

dhabi baxay la moodyày,

ma ogtahay dhaqsiinyuhu

haddii lacag dhalayaan

kaadsiiyuhu ma dhiciyee

dahab baan ka dhuran lehaa

jacaylkii dhawaan gala

dhaxal lagama gaaree

horta dhab kaa yahay

waa inaan dhudhumiyaa.

….

Iminka dhudhumiyoo

miyaan soo dhawaadaa?

Awalba igama dheerayn,

dhabta miyaan ku saaraa?

Dhibtan kula nacayaa,

bal haddaba dhalaan sidii

dhabarkaaga igu qaad

dhangad waan ka fududee.

miércoles, 10 de febrero de 2016

Naxweha Af Soomaaliga: Weerta

Falku waa xubinta gundhigga u ah xubnaha faahfahinta weerta, yeelehana waa xubinta gundhigga u ah falka (falka qof-ahaan iyo shaqal-ahaan wuxuu matalaa qura yeeleha). Mawduuca waa waxa khabarku (warka laga faahfaahsho) ka hadlo ama faahfaahiyo ee uu falka gundhig ka yahay, laakiin goortan waxaa isku mid ah yeeleha iyo layeeleha falka. Mawduuca afka Soomaaliga waa halka diiradaynta weertu taala; diiradayntaas waa madaxa weerta ee tilmaama caynka weertaasi tahay.

Weerta Madaxbanaan

Weerta madaxbanaan waxaa lagu garan karaa madaxa weerta oo ah diiradiye. Waxaana jira sadex cayn ah ee diiradiye: «baa / ayaa» waxaa mawduuca diiradaysan laga hordiiradiyaa falka ka hadla mawduucaas, tus. (Arday baan ahay), waana weer magaceed; «waa» waa diiradiye u dhigma falka «ah», mawduuciisana waa la hordhigi karaa ama waxaa la dib dhigaa falka kadib, tilmaantiisana ama tayadiisa (attributive) ama waa la hordhigaa ama falkaa la dibdhigaa, waana weer faleed, ha ahaado fal xaaladeed (stative) ama fal ficileed (dynamic) waxa uu madax u yahay; waxaa kale ee jira cayn kale ee «waa» la mid ah fal-«ah»-ahaan, kaasna waa «waaye» ee wadta «e» ee ah «magaca yeeleha» sidii isagoo sidta yeele-ahaan macneha «waa» ee falka «ah» oo qaar «e»da danbe ku labaan shaqalka dheer ee dhaxe «weeye» laakiin qaar baa aaminsan inuu kan danbe Soomaaliga saxda yahay, laakiin kan Soomaaliga saxda ah naxwe-ahaan waa «waaye» bal haddii loogu dhawaaqo «waaye» aksent-ahaan sida «weeye» way garan karaan inuu ka saxsan yahay siduu erayga «gaal» ugu rogmay dhawaaq-ahaan «geel» oo qof-ahaan «gaalka» uu la mid yahay «gaal-jireha / geel-jireha», oo dad-ahaanna dadka «gaalo» ay yahiin dadka «gaaljireha ah» ee geeska Afrika, hadda wuxuu leeyahay macnooyin kale aad uga duwan; wuxuuna kaga duwan yahay «waa» waa inay «waa» dibmaraan mawduuca iyo tilmaantiisa halkay ka hormaraan «waaye» (aqri tusaalooyinka hoose). Madaxa kale ee weerta madaxbanaan waa «waxa» iyo «waxaa» mawduuca waxaa la dibdhigaa falka, inta kale ee aanan mawduuca ahaynin waxay hormaraan «waxa / waxaa» ama dhaxdhacaan «waxa / waxaa» iyo falka; macnehiisa waa shayga oo loola jeedo in waxa (yeele ama layeele) ee falku tilmaamo aanan aqoon loo haynin ee kadib goorta lagu dhawaaqo falka la sheego ama la dibdhigo, «waxaa» wuuxuu kaga duwan yahay «waxa» waa inuu leeyahay shaqal dheer, tan macnehiisu waa inuu ka ficil-diiradaysan yahay halka kan danbe magaca ku diiradaysan yahay, labaduba waa weer faleed.  

Weerta af Soomaaliga waxay ku dhisan tahay (ha naqodto weertay ahaadto) xeerka dhidban ee dhaxyaala inta u dhaxaysa madaxa weerta iyo falka, taas waa inay inta dhidban isugu xigaan kala-horayn ah: (yeele, layeele, dibyaalo, falkaab, fal) oo ka bilawdo madaxa ilaa iyo falka oo intaba isku wada ah (fal iyo weer); inta ka madaxbaanna inta dhidban ay yahiin magac ama magac-u-yaal madaxbanaan oo yeelan kara rug walba ee weerta.

Lawxa 1
Weer madaxbanaan ah
Hab tabineed
Weer mawduuc magaceed (yeeleha dahsoon wuu ka hulan yahay yeeleha muuqan)
M.yaal
Madax
M.yaal dhidban
(fal ah)
Fal
(-a; -o)
Aniga
Baa / Ayaa
Waxa
Waxaa
-           
Jiifa / Jiifo
Adiga
-           
Jiifta / Jiifto
Adiga / Isaga
-           
Jiifa / Jiifo
Ayada / Iyada
-           
Jiifta / Jiifto
Anaga / Inaga
-           
Jiifna / Jiifno
Weer mawduuc faleed (yeeleha dahsoon wuxuu la mid yahay yeeleha muuqan)
M.yaal
Madax
M.yaal dhidban
(fal ah)
Fal
(-aa, -taan, -aan, -o, -id, -tiin)
Aniga
Baa / Ayaa
Waa
Waxa
Waxaa
aan
Jiifaa / Jiifo
Adiga
aad
Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
Asaga / Isaga
uu / la
Jiifaa / Jiifo
Ayada / Iyada
ay
Jiiftaa / Jiifto
Anaga / Inaga
aynu / aan
Jiifnaa / Jiifno
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiiftaan / Jiiftiin
Ayaga / Iyaga
ay
Jiifaan

Kuwa hore ee tirada kali ah waa weer hulan (cleft sentence), taas waa in yeeleha uu yahay mawduuca diiradaysan; iyo in yeeleha mawduuca uu yahay yeeleha dahsoon (agent) iyo in yeeleha muuqan (subject) uu yahay yeeleha falka; iyo in yeeleha dahsoon iyo yeeleha muuqan ay diiradiyeyaashu kala hulaan, taasina waa sababta falka uu u leeyahay «-a»da gaaban ee «sal» ah (absolutive) oo ah yeeleha ka hulan ama ka go’an yeeleha dahsoon (agent) ee mawduuca; «-aa» waa yeeleha ay wada jir yahiin yeeleha dahsoon ku aadan magac-u-yaalka dhidban ee falka; «-o» waa yeeleha ku diiradaysan layeeleha, «-i»na waa yeeleha ku diiradaysan ficilka. «o»da iyo «i»da waxay ka mid yahiin weer faleed waayo yeeleha ku saabsan layeeleha iyo ficilka ma ka qaybsano ficilka; yeeleha ku saabsan layeeleha iyo kan ficilka ku saabsan labaduba waxay ka mid yahiin labada shaqal laga helo diidmada – ee uu ka baxsan yahay «-aa» ee ah yeeleha ee yeeleha dahsoon iyo yeeleha muuqan ku saabsan ee shaqal-ahaan la mid ah «labaanka» afka Carabiga – waayo weerta diidmada waa weer faleed (ficileed) oo madaxiisu yahay «ma», weerta diidmada magaceedka ahna (weerta tixraaca iyo weerta aasaaska ee «baa / ayaa / waxa / waxaa») ee mawduuca weertu yahay «yeeleha» waxay qaadadtaa magac-u-yaalka wada wadaaga ah: «aananin».

Tusaalooyin weer madaxbanaan ee tilmaan ama sifo (attributive) ka baxsha mawduuca: 

1-     Tan waa warqad.
2-     Warqad waa tan.
3-     Waa tan warqad.
4-     Waa warqad tan.
5-     Warqad tan waaye.
6-    Tan warqad waaye.
7-    Tan waaye warqad.
8-     Warqad waaye tan.

Tusaalooyin weer dheelitiran (equational sentence), ee isku dheelitirta magac iyo magac kale tilmaan ama tayo ka baxsha (attributive) ee «waa / waaye (baa ah / ayaa ah)» ee weerta dhiman ah iyo magac-u-yaalka ee magac la soo sheegay ama la sheegi doono ishaara ama tilmaama (deixis) ee ah madaxa (kan, tan, waxa, waxaa, sida, meesha, halka) ee weer dhiman tixraax ah, waxa isku xira labada weer dhiman waa falka «ah» ee raacsan «baa / ayaa» ama waa «waa» ee weer buuxda u dhigma:

1-     Warqaddan waaye (waa warqaddan) tan aan qoray.
2-     Tan aan qoray (waa warqaddan) warqaddan waaye.  
3-     Waxaan qoray waa warqaddan / waxaan qoray warqaddan waaye.
4-     Warqaddan waaye (waa warqaddan) waxaan qoray.
5-     Warqaddan waaye (waa warqaddan) siday tahay.  
6-     Warqaddan baa ah (ayaa ah) tan aan qoray.
7-     Tan aan qoray baa ah (ayaa ah) waqaddan.
8-     Tan aan qoray baa (ayaa) warqaddan ah.  

Tusaalooyinka kale ee la xiriira weer madaxbanaan:

1-     Warqadda bakhshad baan (ayaan) galiyay.

Falka weerta gundhigga u ah waa «galin» ee aminka tagtada, waana fal gudbe labolaaban leh, mawduuca (kan diiradaysan) ee weerta / falka waa bakhshad oo ah layeele dadban, warqadda waa yeele toosan, yeeleha falka waxaa matala magac-u-yaalka yeeleha dhidban ee qofka kawaad (aan).

2-     Bakhshad anigaa warqadda galiyay.

Mawduuca falka / weerta waa (aniga) ee ah yeeleha falka, bakhshad waa layeeleha dadban, warqaddana waa layeeleha toosan; weertan waa weer hulan ah (cleft sentence) waana goorta yeelehu ka hulan yahay ama gooni uga taagan yahay falkiisa.

3-     Warqadda bakhshad waan galiyay.
4-     Bakhshad warqadda waan galiyay.
5-     Warqadda waan galiyay bakhshad.
6-     Bakhshad waan galiyay warqadda.

 «waxa» / «waxaa»

7-     Warqadda waxa / waxaa aan galiyay bakhshad.
8-     Waxaan galiyay bakhshad warqadda.
9-     Waxaan galiyay warqadda bakhshad.
Dhamaan waa isku macne iyo isku mawduuc.

Weerta Dhiman

Weerta dhiman waa weer aanan idil macnehiisu ahaynin ama wax ka dhiman yahiin, waayo waxa ka dhiman waa falka aasaaska ee ay weertu ku xiran tahay hadday weertu tahay weer hoosjoogga, hadday tahay weerta tixraaca waxa ka dhiman ama waa falka aasaaska ama waa falka hoosjoogga. Weer tixraac ah waayo waa weer ka baxisa tilmaan ama faahfaahisa magac, magac-u-yaal iyo falkaab ee madax u ah, faahfaahinta waxay la mid tahay tilmaan ama sifo (sida tilmaanta magaca); weer hoosjoog ah waayo waa weer hoosjoogta falka aasaaska ah goorta laga reebo weerta shardiga oo weerta aasaaska uu ku xiran yahay ama uu hoosjoogaa weerta hoosjoogga ah waayo waa halka shardigu ka jiro ee ay weerta aasaaska siiso jawaabtiisa ama natiijadiisa.

Weerta Tixraaca

Weerta tixraaca, ee ka kooban magaca la faahfaahiyo ama la tixraaco iyo oraahda faahfaahisa ama tixraacda ee uu falka gundhig u yahay, oraahdan. Waxaa loo kala qaybin karaa labo: mid xaddida ama kooba faahfaahinta ama warka laga baxinayo magaca oo ku reeba ama ku xaddida warka ahmiyadda u gaar ah magacuu tixraac u yahay; mid kalena waa mid aanan xaddadin faahfaahinta ama warka laga baxinayo magaca, oo ama magacaas si guud ah u sharxa, ama si dheeraad ah u sharxa magacaas. Magaca iyo oraahda tixraaca waxaa soo dhaxgali kara «óo / ée», si uu magaca u naqodo mid gooni u taagan, «óo» waa oraah ficileed kaliya, waa qurub ka soo eega dhanka magaca la faahfaahinayo sidii tayada magaca tixraaca oo la faahfaahinayo; meeshuu «ée» ka soo eego dhanka oraahda tixraaca ee uu xoogga u saaro magaca tixraaca sidii isagoo ay oraahda ku saabsan tahay qofka ama waxa oraahda leh ama oraahdu ay waydiinayso magaca ku saabsan ama leh; goortay labo magac israacsan yahiin ee falka la xadifo waxaa soo hara labo magac muujiya lehaan «ninka ee dukaanka leh» «ninka ee dukaanka / ninka dukaanka» ama kuwo tayo sheega «ninka waynka ah / ninka wayn / ninka waynka». Oraahyada ama weeraha falka u gundhig ah haddii laga soo eego siday u dhisan yahiin «madax + faahfaahin», dhamaan waa oraahyo tixraah ah, ha noqodo magac xadifan ama mid muuqan, ee waa madaxa oraahdaas kan jooga rugta madaxa tixraaca ah, sida oraahda hoosjoogga ee madax u ah magacyo layeeleyaal ah waayo waa layeeleyaasha falka aasaaska; sida oraahyada madaxbanaan ee madax naxweed u ah diiradiyeyaasha «diiradiye + faahfaahin» laakiin madaxa dhabta waa kan ku xiran macneha magaca uu matalo diiradiyeha; amarka, diidmada, waydiinta dhamaan macnehay sidaan waa weer buuxda ama weer madaxbanaan.

1-     Gabartii Maryam warqadda qortay waa walaashay.

Gabartii Maryam waa yeeleha falka tixraaca (qortay) iyo mawduuca weerta aasaaska ee «waa». Gabartii Maryam waa labo magac israacsan ee uu midka danbe tilmaan-u-yaal yahay (appositive), midka hore ee ah magac guud, kan danbena, ee tilmaan ka baxsha kan hore, waa magac gaar. «Gabartii Maryam warqadda qortay» waa war u gaar ah gabartii Maryam ee la macne ah «Tan warqadda qortay» ee ka soo horjeeda «Tan aanan warqadda qorin».

2-     Gabarta Maryam la yiraahdo waa tan warqadda qortay.

Gabartii Maryam waa layeeleha falka tixraaca (la yiraahdo) iyo magac-u-yaalka «tan» ee ku xiran ama ku ishaaran (deixis) mawduuca gabartii Maryam ee ah yeeleha weerta aasaaska ee weer dheelitiran ah (equational clause). Weertan tixraaceed waa war dheeraad ee sharxa magaca «gabartii Maryam» oo loo baahan yahay qura hadday kuwa lala hadlayo aynan garanaynin qoftay tahay, oo loo qori karo:

3-     Gabarta, ee Maryam la yiraahdo, waa tan warqadda qortay.  

Weerta tixraaca waxay tilmaami kartaa magaca ama magac-u-yaalka (yeele ama layeele) iyo magac falkaab ah (meesha, halka, kalka, inta, marka, maalinta, aminka, sababta), oo magaca ama magac-u-yaalka ka mid naqon kara weerta aasaaska ah ama weerta hoosjoogga ah. Falka weerta tixraaca waxaa muuqaalka sacodtada ah (imperfective) shaqal-ahaan lagu dibkabi karaa: «-a» ee yeeleha muuqan (subject) ee ka maqan yeeleha dahsoon (agent) matala, «-aa» ee yeeleha uu la jiro yeeleha dahsoon matala, «-o» ee yeeleha tilmaama ama ku diiradaysan layeeleha matala, «-id, -tiin» ee yeeleha labaad (kali / wadar) ee ku diiradaysan ficilka matala.

Lawxa 2
Weerta tixraaca
Habka tabinta
Muuqaalka sacodtada  
Magac / M.yaal
Madax
M.yaal dhidban
(fal ah)
Fal
(-a; -aa; -o; -i)
Aniga

-           
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
Adiga
-           
Jiifta / Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
Asaga / Isaga
-           
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
Ayada / Iyada
-           
Jiifta / Jiiftaa Jiifto
Anaga / Inaga
-           
Jiifna / Jiifnaa / Jiifno
Adinka / Idinka
-           
Jiiftaan / Jiiftiin
Ayaga / Iyaga
-           
Jiifaan

Weerta Hoosjoogga

Weerta hoosjoogga waa weer faahfaahisa weerta aasaaska (falka aasaaska u ah gundhig). Hawshay qabtaan wuxuu ku xiran yahay weerta aasaaska, waxaana ku xira madaxa weerta hoosjoogga ama xiriiriyeha weerta hoosjoogga: Dhamaystireed (in), natiijeed (oo / ee), sababeed (waayo, darta, si), qasdiyeed (si, in), lid-ogaleed (in kasta, si kasta), amineed (kalka, goorta), siyaaleed (si, sida, habka, sidii) iyo shardiyeed (haddii; ilaa iyo inta; tan iyo inta; tan iyo ilaa). Madaxyadan ee weerta hoosjoogga waa madaxyo falkaab ah ee layeeleha toosan ama layeeleha dadban ee falka aasaaska ah, weertay ka madax yahiin madaxyadan waa oraahyo falkaabeed ama duruufeed xattaa haddii oraahyadaas lagu baddali karo magac, tilmaan ama falkaab ay weertu la mid tahay.

Lawxa 3
Hab tabineed
Weer hoosjoogeed
Muuqaal sacodto ah
M.yaal
Madax
M.yaal dhidban (fal ah)
Fal
(-aa; -o; -i)
Aniga
In
Si
Inta
Sida
In kasta
Si kasta
Tan iyo inta
Tan iyo ilaa
Ilaa (iyo inta)
Haddii
Kalka / Goorta
Halka / Meesha
Waayo / Darta
Oo / Ee
aan
Jiifaa / Jiifo
Adiga
aad
Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
Asaga / Isaga
uu / la
Jiifaa / Jiifo
Ayada / Iyada
ay
Jiiftaa / Jiifto
Anaga / Inaga
aynu / aan
Jiifnaa / Jiifno
Adinka / Idinka
aydu / aad
Jiiftaan / Jiiftiin
Ayaga / Iyaga
ay
Jiifaan

Weer dhamaystire ah

Xiriiriyeha «in» oo macnehiisu yahay «tiro yar ama xoogaa» waa inta ka dhiman falka aasaaska ay weerta hoosjoogga faahfaahiye-ahaan u dhamaystirto, sidaasna wuxuu u yahay xiriiriye dhamaystire ah (complementizer) ee falka aasaaska, tusaale:

1-     Inaydu ku dhiiran tahiin baa ka muhiimsan.
2-     Inaynu suuqa aadnaa baynu doonnaa.
3-     Inaynu suuqa aadi doonnaa baynu doonnaa.
4-     (x) Waxaynu doonnaa inaynu suuqa aadaynaa (aadi haynaa).
5-     Waxaynu doonnay / doonaynay inaynu suuqa aadnaa.
6-     Waxaynu doonaynay inaynu suuqa aadnay.
7-     Waxaynu doonnay / doonaynay inaynu suuqa aadi lehayn.
8-     Waxaynu u haysanaa inaynu iman doonnaa.
9-     Waxaynu u haysanaa inaynu imanaynaa (iman haynaa).
10- Waxaynu u haysanay inaynu iman lehayn / iman doonnay.
11- Waxynu u haysanay inaynu nimid.   
   
Weerta hoosjoogga waa weer faahfaahisa weerta aasaaska. Weerta dhamaystire waa mid ah layeeleha ee falka aasaaska sidaas dartayda waa weer magaceed ama u dhiganta magaca layeeleha ee falka aasaaska, tusaaleha 1aad weerta hoosjoogga waxaa lagu baddali karaa magac-u-yaal: «Taas baa ka muhiimsan»; tan kale tusaaleha 1aad weerta hoosjoogga waxay u dhigantaa mid tilmaan ah (adjective) ee faahfaahisa falka aasaaska oo isna tilmaan ah; tusaalooyinka kale iyagana waxaa lagu baddali karaa «halkaas, meeshaas» weerta oo dhan, haddaba waa oraahyo falkaabeed. Weerta hoosjoogga ee ah layeeleha ee falka aasaaska wuxuu u dhigmaa masdarka hoosjoogga, tusaaleha 1aad wuxuu naqodaa: «Dhiiran ahaantiina / dhiirnaantiina baa ka muhiimsan» sidaas dartaydana waa oraah magaceed. Goortaan ku horqoro (x), waxaan ula jeedaa inay weer qaldan tahay; sida falka «doonid» oo aminka dhaxsacodtada aanan la adeegsan karin goortay ku saabsan tahay aminka falka hoosjoogga, falalka la mid ahna waa «rabid, baahid, baahasho, damcid, u jeelid» ee goortuu falka hoosjoogga qaadto aminka timaadtada wuxuu yeeshaa macne suurtagal ah ee ku xiran jawiga loo adeegsado, falalka ka soo horjeedana waa «u haysasho, malayn, u qaadasho, u jeedid, fikrid».

Weer qasdi ah

Labada xiriiriye ee matala qasdi waa xiriiriyeha «si» oo macnehiisu yahay «habka ama hanaanka ama sida wax loo qabto ama loo falo» ee uu si toos-ahaan weerta hoosjoogga u soo gudbiyo macnehan ama weerta hoosjoogga uu siiyo ujeedada iyo sababta yeeleha falka aasaaska oo naqodta weerta weer qasad ama qasdi ah ee xiriiriyeha qasdiga «si» madax u ah (purposive complementizer); xiriiriyeha qasdiga ee kale waa dhamaystireha «in». Tusaale «hab» la macne ah:

1-     Si aan u tagaan rabaa.

Waa weer haddii la adeegsado «in» uu soo saarayo macne dhamaystire ah «inaan tagaa baan rabaa», laakiin haddii «si» la adeegsado macnehiisu wuxuu naqon karaa labo: 1- «hab aan ku tagaa  baan rabaa», marka tan ma aho weer qasdi ah ee wuxuu la macne yahay weer siyaalo ah (manner), tan labaad waxay naqodtaa: 2- «si aan u tagaan rabaa» waa weer qasdi ah ee la macne ah weer dhamaystire ah: «inaan tagaan rabaa».

2-     Si aan imtixaanka ugu gudbaan u dadaalaa.
3-     Inaynu suuqa aadnaa baynu u baxnaa.
4-     (x) Si aan imtixaanka ku gudbi doonaa.
5-     (x) Si aan imtixaanka ku gudbayaa (gudbi hayaa). 
6-     Inaynu suuqa aadi doonnaa baynu u baxnaa.
7-     Inaynu suuqa aadayno (aadi hayno) baynu u baxnaa.  

Lixdan weer waa kuwo sidta sababta iyo ula jeedadada oo labaduba wada «qasdiga» yeeleha falka aasaaska ah. Tuusalooyinka 4 & 5 waa weer siyaalo (manner) ee ma ahaanin weer qasdi; weerta qasdiga ee «si» ee aanan ahaynin «sida» waxay qaadan kartaa aminka joogtada qura, laakiin ma qaadan karto aminka timaadtada iyo dhaxsacodtada ah waayo qasdiga waxaa xanbaarsan qurubka laftigiisa ee «si» iyo yeeleha ee falka aasaaska, tusaalooyinka 8 & 9 waxay tusaan goorta falka aasaasku yahay tagtada waxaa jira labo siyood suurtagal ah: falka hoosjoogga oo joogto naqodo (9), ama falka hoosjoogga ee tagto naqoda ee muuqaalka sacodtada leh. Tusaalooyinka 3 & 6 & 7 madaxa weerta waa dhamaystireha «in» ee aanan qabin labo macnaadka ee «si». Falalka aasaaska ee «rabid, dadaalid» weerta hoosjooggawda waa weer magaceed waayo waxaa lagu baddali karaa «taas / tan», laakiin weerta hoosjoogta «baxid» waa weer falkaabeed waayo waxaa lagu baddali karaa «halkaas, meeshaas».

8-     Si aan imtixaanka ugu gudbi lehaa baan ugu dadaalay.
9-     Si aan imtixaanka ugu gudbaan ugu dadaalay.

 Weer natiijo ah

Waa weer natiijeed (consecutive) ee weerta aasaaska ka hadasha ee matala xiriiriyeha «ee / oo»:

1-     Si darán buu shaqada u qabtaa ee wuu ku jiradaa.
2-     Si wanaagsan bay u hadashaa oo dadka ay jacal yahiin.
3-     Mushahar wanaagsan fiican buu qaadtaa ee uu ku faraxsan yahay.
Tusaaleha 1aad ee hoos ka xariiqan, magac, tilmaan, falkaab ma lagu baddali karo, laakiin wuxuu faahfaahiye u yahay falkaabka siyaaleed ee tusa sida shaqada loo qabtay; tusaaleha 2aad iyo 3aad waa kuwo tilmaan ah ee weer tixraac ah, tan 2aad waxay faahfaahisaa falkaabka siyaaleed «si wanaagsan», tan 3aad waxay faahfaahisaa magaca iyo tilmaantiisa «mushahar wanaagsan fiican».

Weer lid-ogal ah

Waa weer hoosjoog ah oo ogalaada macne ku lidsan (concessive) ama ka soo horjeeda tan aasaaska ah, haddana wax dhaci kara ah. Xiriiriyeha waa: m.yaal (oo / ee); inkasta; si kasta; si; laakiin; -se; xattaa haddii; haddii; haddana / -na.

1-     Way ii fududaadtay anigoo waxba qabanin.
2-     Inkastaan buugga aqrinin, waan aqaanaa wuxuu ku saabsan yahay.
3-     Arintaas maan fahmi, si kastaan yeelaa.
4-     Way igu adkaadtay, si aan yeelaaba.
5-     Xaafaddaas maan dagani, laakiin waan booqdaa.
6-     Xaafaddaas maan dagani, waanse aqaanaa.
7-  Makaanikada baabuurta aaduu u yaqaanaa, haddana baabuurkiisa jabay waxna kama qabto.
8-     Xattaa haddaad i waydiisadtaan, maan soo naqonayo.

Kan 1aad waa oraah tixraaceed ee la mid ah oraah magaceed, inta kale waa oraahyo duruufeed ama falkaabeed, tusaaleha 6 waa oraah aasaas ah, waxaa ku jira «-se» oo dibkab ah oo macne kasoohorjeed ah ama lid ah siiya; oraahda 7 waxay naqon kartaa «baabuukiisana jabay waxna kama qabto» waxaa macne siiya dibkabka «-na» (oo xiriiriye isku xir ah ee oraaheed ah) laakiin halkan ku siiya macne lid ah, waana oraah falkaabeed.

Weer ee meel ah

Waa oraah falkaabka meel (meesha) ama hal (halka) ama in (ta) u madax ah ama eray kale ee magac falkaab meeleed ah:

1-     Waxaan iman doonaa meeshaad joogtid.
2-     Halkuu awawgay daganaa baan aaday.
3-     Intay fureha kaga tagtay, iyadoonan ogaynin.

Kan 1aad «waxaan iman doonaa meeshaas», kan 2aadna «halkaas baan aaday», kan 3aadna «intay kaga tagtay»; kuwa hoos ka wada xariiqan waa oraahyo falkaab meeleed la mid ah. Kuwa hoos ka wada xariiqan iyo «iyadoonan ogaynin» waa oraahyo tixraaceed.

Weer amin ah

Waa oraah falkaab amin ah uu u madax yahay: kal (ka), goor (ta), mar (ka), waqti (ga), amin (ka), xili (ga), jeer (ka), had (da), had (ka), dhawr (ka), saacad (da), (amin + walba / amin + kasta), inta, kahor, kadib, ilaa, ilaa iyo inta, tan iyo ilaa, tan iyo inta, isla kalkii, isla goortii, isla markii... kalkii ugu horeeyay, kalkii ugu danbeeyay... kalkal (ka), goorgoor (ta), marmar (ka), jeerjeer, kal ka kal, goor ka goor, jeer ka jeer... kal iyo kal walba (kasta), had iyo had kasta (walba)...

1-     Jeeraan tagay Hoteelka buu ii sheegay taas.
2-     Goor ka goor ee uu iman jiray halkan buu gargaari jiray.
3-     Intaadan igu oranin baan ogaaday.
4-     Kahor aragtidaada buu hawsha qabtay.
5-     Kadib ee uu baxay buu wacay.
6-     Isla goortay dhamaystirtay, way tagtay.
7-     Tan iyo intay soo gashay, waxay qabadtay waxna.
8-     Tan iyo ilaa aan dhamaystiraa, wax kale yeeli mayi.
9-     Had walbaan maqlaa taas, dibay ii soo xusuusisaa.

Tusaaleha 8aad waxay u jawaabtaa su’aasha: «goormaad wax kale yeelin?»; inta kale, falkaabka amineed waa layeeleha ee falka aasaaska, waana weero tixraaceed.

Weer siyaalo ah

Waa weer siyaalo ah (manner) ee falkaabeed ee u madax ah: si (da / dii), hab (ka / kii), siyaalo (ha / hii), siyaabo (ha / hii)

1-     Si / hab aan u yeelaa baan aqaanaa.
2-     Siduu u sameeyay, lama garanayo.
3-     Sidii isagoo yaaban buu u ekaa.
4-     Siyaabahaad u samaysid, maan ku raacsani.

Oraahyada falkaab siyaaleed, dhamaan waa weero tixraaceed ee leyeeleha falka aasaaska ah.

Weer tiro ah

Waa weer falkaabeed ee tiro sheegta: in (ta). Tusaaleha hore weerta tixraaceed ee tirada ah waa layeeleha ee falka aasaaska, kan labaadna weerta madaxbanaan waa weerta sharaxda (inta) «intaan ka baxshay».

1-     In aanan yaraynin buu qaadtay.
2-     Intaan ka baxshay, way badan tahay.

Weer sabab ah

Waa weer sababeed (causal) ee weerta madaxbanaan sheegta oo u madax ah: sabab (ta), waayo, dar (ta) / dartayd (da) / dartiis (a), aw (ga) /  awgayd (da) / awgiis (a), daraad (da) / daraadayd (da) / daraaddiis (a), sida, maadaama, oo wada falkaab ah; maxaa yeelay, maxaa dhacay oo wada magac tixraaceed ah.

1-     Roobaa da’ayay, sababtaasaan u haray.
2-     Waxaynu u booqanay, waayo wuu jiranaa.
3-   Waxaan ka soo wacay shaqadiisa, war muhiim ah daraaddiisa bay ahayd inaan u sheegaa.
4-     Waan kuu sheegayaa, maadaamaad igu wareeriso su’aalaha.
5-     Sidaasoo geedku u qalalan yahay baan biyo ugu waraabshay.
6-     Maxaa yeelay jawi qurux badanaa jira, aynu iska majobaxsano.

Weer barbardhig ah

Tusaaleha 4, waxa laysku barbardhigaa baa ka wada dhaxeeya oraahyada, daraaddaasna waa labo weer madaxbanaan ee isku barbardhigan; tan waa weer aanan weerta hoosjoogga ka mid ahaynin. Tusaalooyinka 1 & 2 & 3 ee hoos ka xariiqan, sida (falkaab siyaalo ah oo tixraac ah) iyo tan (magac-u-yaal ee weer tixraac) waa layeeleha ee falka madaxbanaan, waana madaxa ee weertay layeele ka yahiin ee weer tixraac ah; sadexdan tusaale ma ka mid aho weerta hoosjoogga ah. 

1-     Muu u ciyaaro sida ciyaaryahanada kale u ciyaaraan.
2-     Siduu u sheegay baa ka xiiso badan sidaad u sheegtay.
3-     Tan uu yiri igama qancinin tan ay tiri.
4-     Intay samaysaa, in le’eg maan sameeyi.

Weer shardi ah

Weer shardi ah, xeer-ahaan waa mid hubaal ka maqan; tusaalooyinka 1, 2 & 3 waxay leeyahiin suurtagal badan inay dhacaan, tusaaleha 4aadna suurtagal yar, tusaaleha 5aad wax suurtagal ma qabo inuu dhacaa, ama xattaa inuu dhacay; weerta shardiga ah waa labo qayb: oraahda shardiga ah ee kuwan u madax ah: (haddii, xattaa haddii, ilaa, ilaa iyo inta; tan iyo inta; tan iyo ilaa); ama waxaa la adeegsadaa falalka (ka fikir, u maleey, malo-awaal, ka soo qaad);  iyo oraah jawaabtiisa ama natiijadiisa ka hadasha.

1-   Tan iyo intaad hadlaysid, hawshaas maad dhamaysid / dhamaynaysid / dhamayn doontid.
2-     Haddaad xafladda tagtid, anigana waan tagaa / tagayaa / tagi doonaa.
3-     Hadduu xattaa warka helin, ha i soo waco.
4-     Hadday taas tiri, malaha wanaag bay ula jeeday.
5-     Haddaad ii baahan lehayd, waan kuu iman lehaa.
6-     Hadduu samayn lehaa, muu ahaadaynin (ahaadi haynin) sidaas.
7-     Ka soo qaad, taas inaan yeelay, maxaad qaban lehayd?  


Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...