lunes, 20 de junio de 2016

Dhabta miyaan ku saaraa?


Waxaa wada qaaday Kinsi Xaaji Aadan iyo Saciid Mire Xaydar.





Dhiigiyo kalgacalkii

ee xididda dhamaystira

afka lagama dhawree,

ma ogtahay dharaarahan

markan dhaban u seexdaba

inaan kugu dhadhabayoo

dhabtayda kaa dayoo,

haddii aad dhab doon tahay

anba kuguma dhaafayn

hawlaha dhankaygee,

dhinacaaga ila qabo.


Walaw dhaylo aad tahay

ee haddana dhaqankiyo

dhaqashada ku wacan tahay,

dharaar aragti ma ogtahay

caashaqan wax dheerayn

dhado roob la moodo

dhalanteed inuu yahay

jacaylkii dhawaan gala

dhaxal lagama gaaree

horta dhab ma kaa yahay?

Waa inaan dhudhumiyaa.

….

Iminka dhudhumiyoo

miyaan soo dhawaadaa?

Awalba igama dheerayn,

dhabta miyaan ku saaraa?

Dhibtan kula nacayaa,

bal haddaba dhalaan sidii

dhabarkaaga igu qaad,

dhangad waan ka fududee.

….

Dhugmadiisu ruuxay

ee u dhantahay

ayuun buu dhibayaa

xishoodkuyee,

ma ogtahay dhiigayàw

dhamanaanka (dhabanaanka) awgaa

dhabeyaasha suuqyada

dhar la’aan inaan maroo,

haddii aad dhab doon tahay

anba kuguma dhaafayn

hawlaha dhankaygee

dhinacaaga ila qabo.

….

Qotan dheer qoyaaniyo

ee dhax qotama xareediyo

dhabi baxay la moodyày,

ma ogtahay dhaqsiinyuhu

haddii lacag dhalayaan

kaadsiiyuhu ma dhiciyee

dahab baan ka dhuran lehaa

jacaylkii dhawaan gala

dhaxal lagama gaaree

horta dhab kaa yahay

waa inaan dhudhumiyaa.

….

Iminka dhudhumiyoo

miyaan soo dhawaadaa?

Awalba igama dheerayn,

dhabta miyaan ku saaraa?

Dhibtan kula nacayaa,

bal haddaba dhalaan sidii

dhabarkaaga igu qaad

dhangad waan ka fududee.

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...