Ku saabsan...


Soomaali… Asli aslan


Af waa xubin ee jirka, bilaw ee dhuun dheefisa, noolaysa... hunguriga madaw. Dhamaad ee codka ka soo samaysma af kale – ishiisa – ee dhuun neefta marta ka yeesha dhuuniga tabar... hunguriga cad. Af waa la lamaan lamahuraanba Carab la yeela macne, mid kaga afgarta mid kale... luqad. Bulsho walba, abuur-ahaanba, waxaa mideeya af – luqad iyo xubin – ay kaga soo go’ayn beel ka da’wayn oo ay ku abtirsadaan, luqad yeeladta xeerkayd u gaar, qeexda dhaqmaad gaar, hide iyo dhaqan gaar... suugaan.

Suugaanta Af-Soomaaliga waa ahaan jirtay ilaa iyo xadba waa tahay suugaan-afeed; ka kaalmisay Soomaaliga soojirkiisa, Soomaalida soomaalinimadawda; kula beegtay dareenkawda sansaanka caynka badan ee dabiicadda, ka xur ah u baahasho alan-xisaabin, anfacin suugaan-afeedka, dheeraadse ee doorasho, xattaa ahmiyad u lehaadta suugaan-qoraalka. Soojir ku nool cusaybsiin iyo waqti Soomaaligu – af iyo qof – ku qaxooti noqday hoygiisa, waxaa uusanin ka maarmin suugaan-qoraal u mug leh nolasha adduunyadan tuulada ah. Tarjumid waa xalka kaliya u haray, haddii noolid tahay waxa uu isla doonaa, haddii kale...!

Blog-gan, haddaba, waa mid shakhsiyeed, xiiso gaar, dhibic biyo ku dhacda saxaraaga.


Samantar Maxamad Siciid

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...